Tooshka wareega: Fadeexo cusub oo an horey loo arag

Posted Date: 13 Dec 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Tooshka wareega ee bogga caalamiga ah ee Allidamaale wuxuu akhristayaashiisa  sharafta badan ee tirada badanba leh maanta u soo bandhigayaa arrin aan horay loo arag oo Fadeexo ah.

Sida ka muuqata sawirka xiga Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Mikaahiil Ogaadeen wuxuu si rasmi ah ugu biiray beesha Muddulood Hawiye. Sidee beey arrintaan u dhacday? Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig wuxuu meel fagaare ah beesha Muddulood ugu ballan qaaday dhaqaale oo ay beesha Mikaahiil Ogaadeen ugu deeqday wadada isku xeri doonta Xamar iyo Hobyo oo maanta ay dhagax dhigtay beesha Muddulood!

Haddaba waxaa is weeydiin mudan beesha Mikaahiil Ogaadeen halkee beey degtaa?  Degaanka ay degto beesha Mikaahiil Ogaadeen ma wado laami ah baa dhex marta? Beesha Mikaahiil Ogaadeen ma waxa ay heshaa adeegyada daruuriga ah oo ay bulsho kaste xaq u leedahay ayadoo aysan cidna marti uga noqon? Cajiib!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7