Tooshka Wareega: Sir culus oo laga helay madaxda saree ee khaatumo

Posted Date: 21 Mar 2015   in: news,World     0 Comments

Dhamaan shacab waynaha Puntland iyo madaxdooda, isimadooda, aqoonyahanadooda, haweenka, oday dhaqameedyada, dhalinyarada, culumaaundiinka waxaan u soo gudbinaynaa sir culus oo aanu ka helnay dalkan maraykanka oo aanu ku suganahay.

Sirtaasi waxay ka soo mutaacday masuuliyiinta khaatumo ee sarsare ka dib markay isku hayeen muddo dheer inay fuliyaan tilaabooyin culus, hayeeshee u suurto gali wayday.

Sirtaasoo ah in la beegsado dadka ku abtirsada beeshooda sida xildhibaanada baarlamaanka ee beesha dhulabahante iyo wasiirada, kaga jira maamulka Puntland iyo waliba ganacsatada taageersan maamulka Puntland iyo isimada dhulbahaante ee taageersan Puntland, kuwaasoo dhamaantood ku sugan Garowe iyo gobolada kale ee Puntland.

Arintaa sirta ah waa arin muhiim ah oo aanu u soo tabinayno dhaamaan shacabka iyo masuuliyiinta Puntland oon uga digeyno in laga feejignaado, lagana hortago, waxaana suurta gal ah in ay kala kaashaadaan Al-Shabaab arimahaasi.

Haddaba waa maxay ujeedada ka danbaysa arintaan waxaa weeye si ay masuuliyiintaan ugu guulaystaan ina ay colaad ka dhex abuuraan dadka walaalaha ah ee hadda gacmaha ishaysta melena uga soo wada jeeda dib u dhiska maamulka Puntland iyo guud ahaan soomaaliya.

Hadaba waxaa Digniintaani ku soctaa dhamaan dadka kor ku xusan iyo masuuliyiinta ugu saraysa, Madaxweynaha, madaxwayne ku xigeenka, Raiisul barlamaanka , Saraakiisha aminga oo ugu horeeyaan kuwa Sirdoonka iyo dhamaan hayadaha amniga inay si adag u feejignaadaan kana hortagaan arrintaan.

Wabilaahi towfiiq.

Sirdoonka qurboojoogta Puntland ee north ameerica gaar ahaan dalka maraykanka

sirdoon@yahoo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7