Top news:- Farmaajo Safarkiisa ugu Horeeya xaguu ku aadi doona

Posted Date: 13 Feb 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wararka aanu haatan ka helayo madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta beri ah ku wajahan yahay qaybo kamid ah deegaanada Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyey ee uu ku marayo goboladda dalka Soomaaliya ku tagi doona maalinta beri ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu kaga qayb gali doono madaxweynuhu aas qaran oo loogu samaynayo madaxweynihii hore ee Puntland Gerenal Cadde Muuse Xirsi.

Mr. Farmaajo oo hore u balanqaaday in uu booqan doono dhamaanba goboladda dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale safarkiisa uu ku marayo deegaanada gayiga Soomaaliya ku tagi doono magaalooyinka waa weyn ee dalka Soomaaliya, waxaana inta uu ku sugan yahay magaalada Boosaaso uu madaxweynuhu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda maamulka Puntland oo uu kala hadli doono arimo badan oo ku aadan dalka Soomaaliya.

Soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo ee maalinta beri ah ayaa laga dareemayaa caawa magaalada Boosaaso waxaana xusid mudan in madaxweyne Farmaajo uu booqan doono deegaanada Somaliland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hir Shabelle iyo deegaano kale oo uu hore u balanqaaday si uu ugu kuur galo xaaladaha kala duwan ee ka jira deegaanadaasi.

Allidamaale