Top News:- Somaliland oo Mamnuucday wariyaasha iyo Siyaasiyinta u Safraya Magaladda Muqdisho Sabab?

Posted Date: 17 Feb 2017   in: news,Puntland,Somalia,Somaliland     Comments Comments

Xili Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ay gaarayaan fanaaniin wariyayaal Siyaasiyiin iyo waxgaradka ka soo jeeda Degaanada Soomaaliland ayaa maamulka Soomaaliland waxa uu soo saaray Amar dadkaasi ka mamniicaya in ay u safraan Magaalada Muqdisho kadibna ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Hargaysa.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Soomaaliland Cismaan Saxardiid Caddaani oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa waxa uu sheegay in maanta laga bilaabo Xukumada Soomaaliland ay mamnuucday siyaasiinta suxufiyiintu waxgaradka iyo faanaaniita u socdaalaya magaalada muqdisho arinkaasi uu yahay mid aan la aqabali doonin.

Wasiirka Saxardiid ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo ka olaleeynaya Qaranamida Soomaaliland kuwaas oo leh dano gaar ah Soomaaliland ay ka go.day Soomaaliya inteeda kale shuruuc gaar ahana ay leedahay Cidii ka hortimaada shuruucda udagsan Soomaalilad Sharciga ay la tiigsan doonaan sida hadalka u dhigay Wasiirka.

Allidamaale