Tulooyin hoosyimada Garacad oo xiisad dagaal laga soo sheegayo

Posted Date: 12 Sep 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Deegaanka Mayle ee degmada Jariiban gobolka Mudug ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dil kasoo sababay inay isku dhacaan dadkii Reer guuraa ahaa ee ku sugnaa miyiga iyo magaalada deegaankaasi.

Nin dhawaan lagu dilay Deegaankaasi oo la garan waayey cida dishay Shaki laga qaaday in si bareer ah loo dilay kadib dhawacyo laga gaarsiiyey Wajiga ayaa sababtay in dadkii deegaankaasi ay isaga kala guuraan oo Daaqsintii iyo Biyihii laga kala Cararo.

Qaar kamid ah Reer Guuraagii ayaa u Qaxay Deegaanka Shilin Xaraare oo Qiyaastii Mayle u jira 15KM iyadoo sidoo kale ay jirto Cabsi ay qabaan dadkii u Qaxay deegaankaasi.

Ciidamo Bileeleedyo Hubaysan ayaa ku baxay Deegaanadaasi kuwaasoo sababay inay dadkii ka qaxaan deegaankaasi mana jirto cid ilaa hada kala dhexgashay marka laga reebo Odayaal waan waan u aaday kuwaasoo lagu Diiday Hawshii ay Wadeen.

Deeganka Mayle ayaa degmada Jariiban ee gobolka Mudug u jira 75KM dhanka Waqooyiga waxaana miyigaasi ku sugan Reer guuraa kor u dhaafay 2,000 oo Qoys sida ay ii xaqiijiyeen dadka deegaanka Mayle ee gobolka Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7