Turkiga oo $10Milyan oo doollar ku wareejiyay dowladda Somaliya

Posted Date: 16 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Dowladda Turkiga ayaa $10 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ku wareejiyay dowladda Soomaaliya.lacagtaas oo qeyb ka ah taageerada miisaaniyadeed ee dowladda Turkiga siiso Soomaaliya.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa boggooda Facebook soo dhigay hadalkooban oo ay ku sheegayaan in dowladda Turkiga dowladda Soomaaliya ku wareejisay $10Milyan oo doollar.

Turkiga waxaa uu miisaaniyadda ka taageeraa dowladda Soomaaliya waxaana uu bil kasta bixiyaa lacag lagu sheegay kabka miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyso.

Allidamaale