Ururka Nabada, iyo Cadaalada oo canbaareeryay hab kooxeysiga madaxda sare ee Khilaafka keenay

Posted Date: 03 Nov 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed nabada, midnimada iyo cadaaladda Codka inta damiirka nool leh ku hadleeyna waxaanu Dadweynaha si dhabta U Gu cdeeyneeynaa heerka fashilaada Dowladeed gaarsiisan tahay, taasoo runtii moral jab weyn iyo wax laga xumaado in dowladda federaalka Somali si cad uga gaabisay masuuliyadeed qarameed iyo aqlabiyada howlihii hor- yaaleey oo culeeyskooda lahaa,Madaxda sarre-Madaxweynaha,Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa waqti badan ku lumiyeey danaha gaarka, khilaafyada dhexdooda iyo hor-boodidda hab kooxeeysiga.

Weey jiraan guulo kooban oo Ciidamada Xooga iyo Amison ka gareen qeybo koonfurta ka mid ah gaar ahaan- Sh/Hoose, J/hoose, Bay iy Sh/Dhexe waana arrimo soo dhoweeyn leh, balse la oran karaayo waa kuwo culeeys beesha caalamka geliyeen, waana tallaabo guul u ah dadka Somaaliyeedna, laakiin waxaa si cad fashilaad u ah arrimaha hoos ku xusan oo laf-dhabta u ahaa Dowladnimadda iyo hiigsigga Doorashada xor ah 2016:-

1-Habeeynta Dastuurka.

2-Hirgelinta Hanaanka Federaalka.

3-Habeeynta habka Shaqadda Garsoorka iyo guud ahaanba hanaanka Cadaaladda.

4-Dhismaha Ciidan Qaran.

5-Hufnaanta Habka Maamuul (Musuq-maasiqii oo sii siyaadeey).

6-Hanaanka Xisbiyadda.

7-Adeegyadda Bulshadda(Caafimaadka iyo Waxbarashadda)

8-Xiriirka Federaalka iyo Maamuladda jirra.

9-Xalinta Khilaafaadka iyo colaadaha sokeeye (abuurid colaado hor leh).

10-Boobka iyo lunsashadda deeqaha beesha caalamka( Xatooyadda).

11-Abuurida hanaanka Kooxeeysiga iyo qof jecleeysiga ah(dano gaar ah).

12-Daryeel la’aanta Agoomaha, Naafadda, Barakacsanayaasha iyo kuwa Abaaruhu aafeeyeen.

13-Ka gaabinta wax ka qabashadda tacdiyada iyo xad-gudubyadda Amisontu

geeysanaayaan (arrin gunimadeeda leh).

14-Isu dhiibidda Dowladaha deriska gaar ahaa (Itoobiya iyo Kenya).

15-Heshiisyo hab dadban leh (daneeysi iyo laaluush loo adeegsadeeyo).

16-Sii Xoojinta kala fogeeynta Ummadda Somaaliyeed (durbaanada habka Qabyaaladeed leh).

17-Xilalka habka Maamul ah (dowladeed) eex, qaraabeeysi iyo kooxeeysi lagu saleeyeey (cadaalad daro cad dulmi).

18-Xakameeynta Xoriyadda Warbaahinta iyo Aragti cabiridda.

19-Fashlaada cad Wada hadalkii Somaalida dhexdeedda.

20-Wax ka qabasho la’aanta Hantida dadweynaha ku kala maqan.

21-Hirgelinta hab xaaraameed lagu boobaayo hanti dhuleed iyo beero dadka

Dan-yarta aha (Beelaha Qaarkood).

22-Barlamaan Fadhiid ah.

23-Hogaamin xumo, daacadnimo yari iyo danaha guul ka leexasho Madaxda Sarre.

24-Maamuladda KMG ah Goboladda qaarkood (fashilaad iyo abuurida colaad beeleed) hadaba intaas iyo kuwo kale oo jira dhaawac iyo qaran jab ah ma dhici kareeysaa doorashadda 2016, ma lagu kalsoonaan karaayaa Dowladdan iyo Madaxdeeda sarre ceebaha iyo fedeexadu hareereeysay, jawaabtuna waa Maya, Maya iyo Maya.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed (Xassan Carab)-

-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda, Midnimadda Iyo Cadaaladda.

-UK- Nov- 03-2014.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7