Ururka Nabada iyo Cadaalada oo taageeray Baqa Qeylo dhaanta ee reer Gen. Gabeyre

Posted Date: 19 Mar 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Ururka Dhaq-dhaqaaaqa Soomaalyeed Nabadda, Mdnimadda iyo Cadaaladda codka inta leh damiirka nool, qiiradda dhabta ah (Somaaliyeed) iyo dareenka Wadaniydeed k hadleeyna kana duuleeyna asuuliyada Diined, qarameed iyo mida akhlaaqeed naga saaran Dalka hooyo iyo Dadka-ba, waxaanu halkan ka soo gudbineeynaa taageerid buuxdda baaqa qeylo dhaanta ah (Qoyska Reer Gen-Salaad Gabayre Kediye) ku codsanaayaan soo celinta ama soo cesashadda xuquuqdooda hantiyeed mudada dheer ka maqan (Hantidda maguurtadda ah-Dhulkoodda).

https://youtu.be/j7QCwRX7Svc
Urur ahaan waxanu si buuxdda ula duubanahay, ku garab taaganahay Qoyskaas Somaaliyeed raadinta xuqoodda dhuleed hab xoogga ah iyo hanaanka xaq darada ah looga heeysto, taasoo ka turjumeeysa cadaalad daradda, Garsoor xumdda iyo xaq soor la’aanta weli ka taagan Dalkeena Hooyo (Somaaliy) iyo xaaran ku heysashadda Hantidda Ummadda,sidda midan Qoyska Gen- Gabayre iyo kumayaal la mid ah-ba, Urur ahaan waxaanu uGu baaqeeynaa Qeybahan ineey doorkooda masuuliyaeed sida ku haboon u gutaan:-

*Maxkamadda Gobolaka Banadir.*-Duqa Magaaladda Muqdisho(dadaal muujiyeey).
*-Golaha Culima-udiinka Somaaliyeed, *-Xisbiyadda Siyaasadeed.
*-Xeer-Illaaliyaha Guud Qaranka *-Wasiirka Cadaaladda.
*-Wasiirka Arr,Gudaha,  *-Gudigga Garsoorka Iyo Cadaaladda Balamaanka.
*-Gudigga Xuquuq Insaanka Barlamaanka, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.
*-R’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka. *-Gudoomiyaha Barlamaanka
Federaalka.

*-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliyeed. Anagoo uGu baaqeeyna qeybahaas iyo kuwa dhigoodda ahba ineey isu taagaan Xaq u hiilinta, xuquuq dhoowridda, cadaaladda ka shaqeynta iyo garab siinta Qoska dulman iyo kuwa dhigoodda ah Xuquuqdooda xoogga iyo xaq daradda cad looga heysto (mudadda gaareeysa 44-Sano dulmanaa)Fadlan faahfaahin dheeraad ah ka dhuuhdda muqaalka kor ku lifaaqan.

-Alloow Guul Xaq Ah-Aamiin.
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed (Xassan-Carab)-
-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda, Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-UK- Mar- 16-2015.
sharifhassan50@yahoo.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7