Ururka Nabada iyo Midnimada oo Tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida Baribari

Posted Date: 29 Mar 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Uurka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda, Midnimadda iyo Cadaaladda codka inta leh damiirka nool, qiiradda dhabta ah (Somaaliyeed) iyo dareenka Wadaniyadeed ku hadleyna waxaanu halkan ka direeynaa Tacsi tiiraanyaeeda leh Geerida ku timmi:- Aqoonyahan sarre-Danjire- Yuusuf Ismaaciil Bari-bari(Danjirihii Dowladda F.Somaaliyeed u fadhiyeey Xarunta Illaalinta Xuquuq Insaanka UN-ta (Geneva) ka mid noqday dadkii ku naf waayeey Weerarkii xaq darada ahaa ee Kooxdda Al-Shabaab ku qaadeen Hoteel Makka El-Mukaramma (Muqdisho) 27-03-2015.

Iyadoo Geeridu xaq tahay qofna saacadiisa dhaafeyn,qaabkaas naxariis daradda ah, cadoownimadda ah, Islaanimadda ka reeban ayaa mudan canbaareeyn culeeyskeeda leh waana dhaqan naceeyb, Fidno, naxaris darro iyo dowlad, nabagelyo iyo nool diidnimo ka duulaaya, Marxuum- anjire- Babri-bari wuxuu ka mid ah Dadka ama Shakhsiyaadka sida gaarka ah isugu taageey u adeegida Dadkiisa iyo Dadkiisaba, howlo badan siyaasadeed, shirrar iyo kulamo danaha guud looga hadlaayo qeyb weyn ka soo qaatay, muddo ka badan 12-sano ahaa Safiirka Geneva Swiiska si weyn uga muuqdeey golahaas ahamiyada weyn u leh Illaalinta Xuquuq Insaanka Aduunka.

Urur ahaan waxaanu Raxmaanka ka tuugeeynaa inuu Marxuumka Janatul Fardoowsa ka waraabiyo, Qoyskii, eheledii, qaradaabidiiii, Asxaabtii iyo guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed Samir iyo Iimaan ka siiyo- aamiiin.

-Ustaad- Xassan C/Laahi Sh.Maxamed (Xassan-Carab)-
-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda, Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-UK-Mar- 28-03-2015.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7