Ururka Nabadda iyo Midnimada oo war saxaafadeed soo saaray

Posted Date: 15 Dec 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda codka inta leh damiirka nool,qiiradda dhabta ah iyo dareenka wadaniyadeed(Somalinimada)ku hadleyna si weyn ku gilgilaneyna  dhaqan gumeedka, tacadiga,xadgudubka foosha Xun (Faxshiga ah) loo geeysanaayo Haweenka Somaaliyeed(gobta ah,karaamada,xurmadda iyo qadarinta mudan)sida joogtada ah loogu xadgudbaayo xurmadooda iyo karaamadooda-ba(dowlad ku sheeguna daawadayaal ka tahay-raxanta damiir-laawayaasha ah.

http://youtu.be/a6Y2ytKO_m8

Urur ahaan waxaanu halkan cambareeyn culeyskeeda leh dusha uga tuureynaa Rajiimka cadoowga(Dowlada Kenya)ciidankoodda cawaanta ah,gaar ahaan kuwa falkaas kufsiga ah u geeysteey Gabadhaas Somaaliyeed(Mageeyda ah)15-ka askari kufsadeen Aabaheedna hab xoog sheegasho uGu khasbeen inuu goobta ku sugnaado(murugo iyo ciil weynaa)dhacdadaas foosh xun ayaa ka turjumeeysa cadoowbimada,gunimadda iyo bahdalaada lagu hayo Muwaadiniinta Somaaliyeed Kenya degan ama ku sugan iyo kuwa Dalkeena hooyo joogaba,waa damiir-xumada,dadnimo xumadda,garasho xumadda iyo dayacidda masuuliyadda qaran (kuwa lagu sheego Madaxda Sarre) hoos fadhiyaasha Gabre Xamuud iyo cawaanta dhigooda ah,kuwa laga amro Kampalla, Addis iyo Jabuuti(Daawadayaasha kufsiga Gabdhaha,Haweenka Somaaliyeed Xaasaakoodda iyo Gabdhahooda oo kale ah)Ceeb iyo waayo gunimo dheh),Wasaaradda arr,debeda, Barlamaanka. Ururka Haweenka, Ururadda Xuquuq Insaanka, Ururada Xisbiyada Siyaasadeed,Golaha Culimaa-udiinka, Golaha Dhaqanka (Aamusku muxuu yahay) mise arrimahaas oo kale ka hadal uma baahna oo boorso lacageed ma hor-socoto(ilaa ceeb looma dhinto), TV-yadiii tumidda durbaanadda qabyaaladeed, naceeybka iyo qof difaacayaashii iyaguna arrintaas ma ka aamuuseen,mise waan la soo amriin(Villa Gabre laga soo wiciin)Dowladda F.Somaliyeed Kufsiga iyo xadgudubyadda haweenka Somaliyeed loogu geeysanaayo Muqdisho,Baledweyn,Baydhaba iyo degaamo kale-ba raali ayeey ka tahay(Amison)yaa dalka dowlad ka ah Xassan iyo rajiimkiisuna waa iska maqaar-saar.

http://youtu.be/nBiHncFD0dM

Urur ahaan waxaanu qireeynaa in falkaas bahdalaadda iyo karaamo jab ku yahay guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed eey haboon tahay in Jawaab cad oo dhinacyo badan laga bixiyo Siyaasiyaan Xiriirka Diplomaasiga la hakiyo(Safiirka loo yeero-Mudane-Cali Ameeriko)Cabasho rasmi ah loo gudbiyo Kenya,Ururka Afrika iyo Golaha Xuquuq Insaanka UN-ta iyo weliba banan baxyo baaxadooda leh laga dhigo gudaha Dalka iyo qurbaha-ba(Somaaliyeey gilgilasho)waxaa aduunyadda ka tageey(geeriyoodeey)halyeeyadii dareenka wadaniyadeed iyo damiirka nool,karaamo illaalinta ku caanka ah Safiiradii:- Halyeeyadii:Qeybe Darman,JM,Gacmadheere,Gacaliye,Meygaag, Meykal,Cumar Umul,Shariif Saalax,Badag,Jangali,M.Osman, C/Raxmaan Tuur,Dhuko,C/Risaaq X.Xuseen,Bokax,Caabi Farah, Cawad Suubiye,Halyeey-C/Laahi Ciise,Ahmed Shire,Halyeey- Axmed Keyse iyo halyeeyadii dhigooda ahaa(Aun-aamiiin),

 

 

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan-Carab)

-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.

-UK-Dec- 14-2014.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7