Waa Kee Hogaamiyaha Dhabta Ah

Posted Date: 16 Mar 2015   in: Maqaalo,World     0 Comments

Waxaan nasiib u helay inaan arkay qoraalo badan oo qaarkood ku kala qornaayeen luqado kala duwan oo Allah swtc awood iisiiyey inaan luqadahaas garan karo… Mahaddaasna Allah ayaa leh abuuray luqadahaas aniga barashadooda ii fududeeyey… Qoraaladaasi waxay tibaaxayeen hoggaamiyaha wanaagsan iyo sida uu hawshiisa u fushado ama uu u guto…

Shaqsiyan anigu runtii ma lihi garasho aan ku oran karo raggii qoray qoraaladaas kala duwanaa waan ka aragti qurxoonahay ama ka garasho badnahay… Waxaase jira oo cid aan aqoon oo gayn aanay Adduunkaan kor saarnay inuu jiro Garasho Badne aan cid ku gaari kartaa garasho jirin jin iyo insiba hadday is bahaystaan aanay keeni karin wax yar oo u dhigmi kara garashada Garasha Badnaha Waa Allah swtc oo ah abuuraha noole kasta oo garasho leh oo haddana ku abuuray garashadaas ay leeyihiin iyo luqadahaas kala duwan ee ay leeyihiin….

Sidi aan ognahay Allah swtc wuxuu adduunkaan ku abuuray aadamahaas maanta noqday waddamadaas ku kala firiqsan qaaradaha oo dhan… Markaan taariikhda dib u raacno Aadamahaasi waxay soo wada mareen Maamullo kala duwanaa oo mabaaddii kala duwan lahaa… Iyagoo lahaa Maamullo ayaa Allah swtc usoo diray Hoggaamiye aan ahay kuwii Maamulkaa hogaaminayey…

Hoggaamiya yaashaas Allah swtc usoo diray qoomiyadahaas lahaa Maamulka waxay intooda badan la kulmin dhibo aad u fara badan ilaa qaarkood ku nafwaayeen oo lagu dilay… Hoggaamintaa Allah swtc usoo dhiibay ee wadatay dastuurka hoggaankiisu wanaagsanaa… Waxaa kaloo jiray Hoggaamiyeyaal aan iyagii la dilin, lase kulmay dhib fara badan, Allahii soo diray ka badbaadiyey dhibihii lagu waday markay noqdeen xad dhaaf aan loo adkaysan karin…

Dhammaan Hogaamiyayaashaa Allah usoo diray inay Hoggaan shaan qoomiyaddaa loosoo diray ee ay ka dhasheen waxay kuwada midaysnaayeen hal arin oo dhammaantood wada lahaayeen dabci ahaan, arintaas oo ahayd Dabci wanaagsan iyo Amaano oo ay dhammaan ahaayeen dad aan khayaamo lahayn oo daacad ah …

Haddaan tusaale usoo qaato Hoggaamiyihii ugu danbeeyey ee Allah swtc usoo diray qoomiyad markaa lahayd nidaam qabali oo aan lahayn Maamul guud oo mideeya oo leh Hogaamiye ay ka wada danbeeyaan oo ay adeecsan yihiin Maamulkiisaa ciddii ka hortimaadaana ciqaab mudato… Hoggaamiyahaasi intaan Allah swtc usoo dirin inuu noqdo ama Hoggaamiyo qoomiyadaas wuxuu caan ku ahaa oo dadkoo dhan ku yaqaaneen aamaano xifdinta oo ahayd Daacadnimadiisa oo ka xallayd khayaamada… Ayna ugu bixiyiin magac ay ku naanayseen oo ahaa aamin badanihii Daacadda ahaa….Isagoo magacaas sharafta badan ku dhex lahaa qoomiyaddaas uu ka dhashay intaan Allah swtc u dooran inuu noqdo Hoggaamiyaha qoomiyaddaas…

Markii Allah u doortay xilkaas Hoggaaminta waxaa markiiba is bedeley wannaagii iyo amaantii loo hayey waxaana bedelay colaad aad u foolxun oo lagala horyimi… Iyo in magacii quruxda badnaa ee loogu yeeri jiray laga bedelay oo loogu bedelay magacyo aad u qaab darnaa oo fara badan… Waxaana arintaas in is bedelkaas yeelato sababay damaca aadamaha ee ku salaysan in shaqsi kastaa jecel yahay inaan isaga laga magac dheeraan oo uu noqdo shaqsiga ugu muuqa dheer magac ahaan iyagoo aadamuhu u arko magaca dheeri inuu leeyahay sharaf iyo qadarin lagaga haybaysan karo…

Nasiibwanaag Hoggaamiyahaas Allah swtc usoo diray qoomiyaddaas intuu lahaa ee uu ku ammaanaan jiray, wuxuu helay Taliye kor taagnaa oo intuu lahaa ugu daray arin kale oo aad u qiima badan oo ah dulqaad… Taasoo usahashay in wax kasta oo ku yimaada uu dhabarka u rito oo aanay niyad jab ku keenin foolxumadaas iyo dhibahaas faraha badnaa ee lagala horyimi… Waxaa intaas usii dheeraa in la Taliyahaa kor taagnaa aanu uga naxi jirin qaladka uu galo oo uu markiiba ku dharbaaxayey qaladkaas, isagoon ugu aaba yeelayn maqalka ay maqlayeenn dharbaaxooyinkaas ku dhacayey qoomiyaddii uu Hoggaaminayey markii uu qalad la yimaado Hoggaamiyahaasi…

Taladaas wanaagga iyo toosinta xanbaarsanayd markii qalad ka dhaco, waxay usii siyaadisay inuu Hogaamiyahaasi yeesho naxariis aad u farabadan oo uu u qaaday qoomiyaddii loosoo diray inuu hoggaansho Iyo ku adkaansho kuwa aadka ugu daran qoomiyaddaas Hoggaankiisa Raacday…. Labadii arimood ee hore u lahaa ee kala ahaa Aaminaadda iyo Daacadnimada iyo Saddex arimood oo kale ee Taliyihii kortaagnaa usoo siyaadshay ee ahayd Dulqaadka iyo Naxariista iyo ku Adkaanshaha Cadowga qoomiyaddaas adeecday Hoggaankiisa, Waxay ka dhigtay Hoggaamiyahaas, Shaqsiga loogu jecel yahay qoomiyaddii uu la noolaa, waxayna u sahashay in uu helo raaciyad aad u fara badan oo si sahal ah ugu soo biirayey Hoggaamintiisa, ilaa uu ka hantay dhammaan qoomiyaddii loosoo diray ee uu ka dhashay iyo qoomiyado kale ee ku xeernayd qoomiyaddaas uu kusoo barbaaray ee ahayd midduu ka dhashay…

Wuxuuna ku mutaystay sharaftaas iyo qadarintaas waa adeeciddii Taliyihii kortaagnaa ee aan u aaba yeelayn markuu qalad ku dhaco oo ka saxayey siiyeyna xeerka midayn kara dhammaan qoomiyadaha kala duwanaa ee ay ka mid ahayd qoomiyadduu la noolaa… Taliyaha Kortaagnaa Waa Allah swtc…. Xeerka uu siiyey la Taliyahaasi Ayaa Hoggaamiyahaasi ka dhigtay Dhaqan oo waliba la Taliyahaasi ku amray inuu ku Xeertamo… Xeerkaas nasiib wanaag Allah waa inoo Xafiday… Hogaamiyihii dhaqan ka dhitaa wuxuu noqdaa Hoggaamiyaha ugu wanaagsan dhan kastaba Hogaamiyayaasha Adduunkaan ku nool dhammaantood… Sidii uu dhaqanka uga dhigtay Hoggaamiyihii Allah ku Amray inuu ku xeertamo…

 

Gabagabadii

Haddaba Hoggaamiyaha dhabta ah ee aadamaha ah waa kii leh lix arimood…

  1. Aaminimo… Oo aan marnaba laabtiisu lahayn khayaamo dhaqan muuqda iyo mid qarsoonba….
  2. Daacadnimo…. Ka daacad ah waxa uu qabanayo oo ka xalan halagaa sheego iyo magac ka hel…
  3. Dulqaad…. Inuu u dulqaato wax kasta oo foolxuma ah oo kaga yimaada qoomiyaddaas oo Hoggaanka u yahay…
  4. Naxariis…. Inuu u naxariisto qoomiyaddaas oo simo kooda liita ee gargaarka u baahan iyo kan ladan labadaba oo aanu eegin kan liita bes ee ogaado kan ladan in laftiisu mudan yahay naxariis….
  5. Ku adkaansho…. Uu ku adkaado cadowga qoomiyaddaas uu hoggaanka u yahay
  6. Taliye… Inuu leeyahay La Taliye ku haga Tubta toosan oo aan uga arxamayn markuu qalad ku dhaco oo indhaha kaga dhufanaya isagoon u aaba yeelayn sharaf dhaca ka qabsanaya qaladkaas uu galay ka sixiddiisa… Tusayana tubta saxda ah ee uu kaga bixi karo qaladkaas uu galay… Hoggaamiyahaasna aanu marna jebin Talada Taliyahaas…

Waxaad Ogaataa Hoggaamiya Kastoow hadaad Lixdaas Qodob Haysatid Liibaantay Oo Sumcad Iyo Sharafi Kuu soo Hoyatay Haddii Kale… Ha Filan sumcad iyo Sharaf…

 

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Email: guurey@hotmail.com

https://www.facebook.com/Guureey

http://aadciiltire.wordpress.com/

https://www.facebook.com/AADCiiltire

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7