waa kuma Xamsa binu Dalaaj?

Posted Date: 20 Apr 2016   in: Arrimaha bulshada,World     0 Comments

Xamsa binu Dalaaj waa wiil dhallinyaraa oo Muslim ah, wuxuu ku dhashay dalka Jasaa’ir sanadkii 1988 halkaas oo ku qaatay heerarkiisii kala duwanaa ee wax barashada Illaa jaamacaddiisii oo ka baxay kulliyada cilmiga kombiyuterka (Computer science) sanadkii 2008 isagoo kadibna xeel dheere ku noqday sida loo jabsadu kombiyuterka(Computer). Xamsa waxaa lagu tirshaa hadda mid kamid ah 10 ka qof ee dunidaan ugu khatarsan dhanka cilmiga jabsashada kombiyuterka kuwaas oo dabagal xooggan ku hayo Booliska Adduunka ee Interpol iyo xaafiiska dambi baarida  maraykanka ee federal bureau of investigation(FBI)  .

Sannadkii 2013 Booliska dalka Thailand ayaa Xamsa binu dalaaj ku qabtay marso cireedka caasimadda dalkaas ee Bangkok  isagoo ka yimid dhanka Malaysia oo halkaas dalxiis ay u yimaadeen isaga iyo qoyskiisa waxayna u gacan gasheen dowladda Maraykanka. Xamse ayaa lagu eedeeyay jabsashada xisaabaadka 217 bangi oo dunida daafaheeda ku kala yaal, xiritaanka 8000 oo mareega ay leedahay dowladda Faransiiska, xirida mareego qunsiliyadeed oo ay leeyahiin dowladdo ka tirsan Yurub, siinta fiisayaal bilaash ah qaybo kamid ah dhallinyarada reer Jasaa’ir iyo weerarida xarumo xog muhiima ku kaydsanayd  ayna leedahay dowladda yuhuuda isagoona la wadaagay macluumaadkaas ururada iska caabinta ee Reer Falastiin. Lacagta uu gacanta ku dhigay Xamse waxaa lagu qiyaasay 4 milyan oo doolarka maraykanka ah wuxuuna lacagtaas badi ku baxshey taageerida hay’ado samo fal oo ka dhisan dhulka Falastiin iyo qaarada Africa.

Xamsa bini dalaaj waxaa dowladda Maraykanku ku xukumay Dil waliba daldalaada hayeeshee, waxaa shafka u soo garaacday dowladda Yuhuudda oo ballanqaaday in ay xukunkaas ka hor istaagayso fulintiisa shardi se dul dhigtay ah in Xamse la shaqeeyo si uu uga saacido adkaynta ammaanka website yada laga heli karo macluumaadka sirta xambaarsan, hase ahaatee kolkii Xamse loo soo bandhigay dalabkaas isaga oon wax murugaa dareensanayn farxad iyo dhoolo caddayne ka muuqato ayuu ku jawaabay dunida dhan haddii yuhuudu is siiso lama shaqaynayo. wuxuuna taa u yeelay is barbartaag iyo taageero uu u muujinayo shacabka reer Falastiin ee Yuhuudu dhulkooda ku xasuuqayso. Dhanka kale beryahaan waxaa baraha bulshada aad la isula dhex marayey in Xamsa Binu Dalaaj dil lagu fuliyay hayeeshee ma jirto cid haysa xaqiiqada warkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7