Qormo xiiso badan: Waa Kuwee Lamaanaha Dhabta Ah

Posted Date: 23 Jan 2015   in: Maqaalo,news,Somalia     Comments Comments

Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh: Lamaanaha dhabta ah ee aan cidina muran gelin waa ruuxa nolosha kula qaybsada nooc kastaba, markaad xanuunsan tahay ama caafimaad qabtid, markay kaa jajaban tahay iyo markay kuugu jirto… Haddaan lays jikraarayn waxa xaqiiqda ah ee intaa laga heli karaa oo lamaanaha dhabta ah waa Waalidka khaas ahaan Hooyada… Allahayoow Jannadaada igu tus oo isugu kaaya keen adigaa awooda oo naxariis dhan iska leh…. Habeen kaad xanuun santahay hurda agteeda ma timaaddo, qalbigeedu kama nasto Allow hayga qaadin.

Allahayoow xanuunka iiga qaad waxaa ka suuroowda ama ay dhab ahaan ku ducaystaan hadday wax kale waaydo inay jeclaysato in xanuunkaa ku haya iyada dhankeeda loosoo leexsho oo adiga lagaa qaado xanuunkaas… Markaad caafimaad qabto waxay kugu eegtaa il naxariisi ka buuxdo iyadoo qalbigeedu leeyahay Allahayoow u siyaadi oo caafimaad ku waari intuu noolyahay… Markaad Faraxsan tahay iyadaa kaa farxad badan…. Ax waxaas ayaa lamaana dhab ah… Aabuhuna kama dhaco ee taas qalbiga gesha.

Waxaad ogaataan ragoow hooyadaa aan faaleeyey ee aan cidina muran gelin karin naxariista iyo wanaagga ay leedahay oo qalbigaaga muraaqada ku beera waxaa ah gabar kasta oo aad garanaysid… Xataa hadday dhib badan tahay sababtoo ah markay caruur kuu dhasho waxay u noqonaysaa caruurtaas hooyo, caruurtaadana waxaa ku duxanaya wanaggaas kor ku xusan ee hooyo leedahay… Dumaroow nin kasta oo aad garanaysaan waa aabe oo isna leh sifahaas hooyada mid aan ka dhicin markuu caruurtaada aabahood noqdo, waxay caruurtaadu u noqotaa qalbigiisa iyo indhihiisaba waxay ku raaxaysataan.

Markaad intaas sifiican u dhuuxdid oo aad aragtid Hooyo iyo Aabe qiimaha ay naftaada u leeyihiin soo inaad eegtid caruurtaada ama kuwa aad dhali doontid oo aadan Aabahood iyo Hooyadood ku cayaarin ee aad qiimaynta ugu wayn siisid… Illayn adiga iyo ruuxa kale ee aad la wadaagtid nolosha ayaa u ah labadaas.

Haddaba wax kasta waxaa ka horeeya naftaada, hadaadan naftaada u dadaalin ee aad ku salaysid xunbada daadka kor heehaabta ee markii biyahaas daadka ahi meel godan isugu yimaadaan isla markiiba shiiqda ee aan sii jrin… Waxaa xunbadaa ka dhigan markaad xulashadaadu aad ku xulanaysid ruuxa aad rabtid inaad guri la yagleeshid ku dooratid hadba dadka kugu xeeran aragtidooda ee aadan ku xulan aragtidaada iyo waxa naftaadu rabto… Hadaas taas samaysidna waxaad ogaataa inaadan marna kasoo bixi karin in caruurtaasi helaan jawiga naxariista badan ee qalbigaagu la jecel yahay, sababtoo ah guri qaylo iyo haaraan ka socdo marna uma noqon karo caruurtaas meel qalbigoodu ku qaboobo… bal qiyaas Aabahaa iyo Hooyadaa oo har iyo habeen is haysta, Alla qalbiga u daranaa…
Sidaan ognahay ruux kasta Allah swtc wuxuu ku abuuray dabci u khaas ah oo aan marna laga bedeli karin sikasta oo aad samayso… Waa meesha ay Somalidu ka tiraahdo Abuur iyo Waano Yaa Horeeyey… Wacanaa qurxoonaa nolosha ka dhex dhalata markii dabcigu iskeeno, bal qiyaas ruux aad dabcigiisa ka heshid qosol farxad aan go ayn… Ax Janno Adduun u ekaa…
Lamaanaha dhabta ah ee liibaana marka kan waalidka lagasoo tago waa kan kuu bedela gurigii aad kusoo barbaartay ee naxariista badnaa… Waxaad ogaataa booskii Hooyada waxaa kuu galay waa gabadhaa Allah sharfay ee ragoo dhan kaa dooratay, kii Aabahana waxaa galay ninkaa Allah sharfay ee dumar oo dhan kaa doortay.

Markaad isha ku eegtid haddii qalbigaagu Hooyo eego waxaa hubaal ah in naxariis ku qoynayso oo aadan inyar oo xumaan ah u quuri karin taasina dhasho in dhankeeda ay ka timaado naxariis taas kasii daran sidii Hooyadu uga naxariis badnayd Aabaha… Ilaa uu ruuxba ruuxa kale inuu ka dheeraado ay dhibto oo ruux kastaa ishiisu kaba dhergin milicsiga ruuxa kale… Jecliyaa gabdhaha Somaliyeed waxay leeyihiin hab ay kuu eegaan markay ku jeceshahay il aad u naxariis badan oo ay kasoo finfiniinayso Allahayoow hayga qaadin oo markaad soo eegto intay dhoolla caddayso ayeey hoos eegtaa oo isla markiiba soo celinaysaa eegmadii…. Ax qalbiga u roonaa Allahayoow dhowr.

Gabagabadii

Lamaanaha dhabta ah waa kan kula qaybsada wax kasta oo kulasoo darsa oo wax ka dhima ama ku kordhiya hab nololeedkaaga.

Waa kan kuu samra maalinta aad qalloocatid ee aan kaa daba qalloocan illayn waxaan is qaban ma jiraan… Oraahda Somalida ah ee ah Carab iyo Labadiisa Daan ayaa isugu dhow iyaguna waa is qabtaan… Markii Ilkuhu Carabku qaniinaan Carabku weerar kuma qaado ee waa uu samara oo yiraahdaa waan is qaniinay.

Bal dhadhami kalmadaas waan is qaniinay… Markii Lamaanahaagu Qalloocdo hadaad u aragtid inaad is qaniintay bal eeg jawiga ka dhasha Ilkaha iyo Carabka qaboowgiisa iyadoo laga yaabo in carabka dhiig ka yimaado.

Waa kan labadii reer ee aad kasoo kala jeedeen ay isugu midka yihiin.

Waa kuwa Qabysada Nolosha noocyadeeda kala duwan oo isu Samra markii midkood jawi qaldan dhex maquurto… Oo Qaraabadaadu noqoto isku mid oo si qalbi ah ay isugu mid u yihiin oo aan kala soocin…

Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
Email: guurey@hotmail.com
https://www.facebook.com/Guureey
http://aadciiltire.wordpress.com/
https://www.facebook.com/AADCiiltire

Allidamaale