Wafdi ka socda Dawlada Soomaaliya oo Gaaray Degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal

Posted Date: 10 Feb 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir dawlaha wasarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa gaaray degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Masuuliyiintii kusoo dhaweyey wafdiga degmada Buurtinle waxaa kamid ahaa Gudoomiye ku xigeenka degmada Buurtinle Nuuradiin C/qaadir Ismaaciil wuxuuna sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan ayna ku faraxsanyihiin imaanshaha wafdigan degmada Buurtinle.

Sidoo kale C/raxmaan Cabdule Jaabur wasiir dawlaha wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ahna Xildhibaan aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu kulamo la qaadan doono Bulshada degmada Buurtinle muddana uu joogayo degmada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale