Wafdi ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Baledweyne loo diiday

Posted Date: 09 Dec 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Shan Xubnood oo ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore loo diiday in ay gudaha u galaan Magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan,kadib markii Ciidamada AMISOM ay sheegeen in aan lagu Wargalin imaatinka xubnahaasi ee magaalada.

Kooxdaan ayaa saaka kasoo dagtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baledweyen, waxaana Saraakiisha AMISOM ee Garoonka ku sugan ay u diideen in xubnahaasi ay Magaalada Galaan.

Dhinaca kalena Maamulka Gobolka Hiiraan oo saaka gaaray Garoonka Diyaaradaha ay ku xirnaayeen Xubnahaasi, ayaa sheegay in aysan awood u laheyn soo deynta xubnahaasi maadaam AMISOM ay u diiday galitaanka Magaalada.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7