Wakiilka dowlada Puntland u fadhiya scandinavia oo tacsi u diray Qoyskii u ka geeriyooday Yusuf Baribari

Posted Date: 28 Mar 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Wakiilka dowladda Puntland u fadhiya dalalka scandinavia Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) ayaa si weyn u canbareeyay falkii waxashnimada ahaa ee shalay oo Jimco aheyd lagu dilay allaha u naxariistee Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobay Danjire Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari oo isagoo soo tukaday salaadii Jimacaha aheyd ay dishay gacan ka xq daran.

Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) ayaa isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan dowlada Puntland u diray tacsi tiiranyo leh qoyskii, Ehaladii iyo Asxabtii uu ka geeriyooday allaha u naxaristii Danjire Baribari.

Wuxuuna ilahay uga baryayay marxuumka inuu u danbi dhaafo, Janadiisa Fardowsan ka waraabiyo, Qoyskii u ka tagayna samir iyo imaan ka siiyo. Amiin.Amiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7