Wakiilka PL ee Finland iyo wafdi la socda oo booqday xarunta baarlam,wasaarada caafimaadka iyo taleefishinka (Sawirro)‏

Posted Date: 16 Dec 2014   in: news,Puntland     0 Comments

Garoowe:  Magaalada Garoowe booqasho toddobad ah waxaa ku jooga wafdi ka socda daladda qurba-joogta Puntland ee ku nool dalka Finland oo ay waheliso haweenay u dhalatay dalka Finland.

Wafdiga waxaa hoggaaminaya wakiilka dowladda Puntlad ee dalka Finland,Cabdifitaax Cabdullaahi Jaamac (Jannagale) iyo xubno ka tirsan jaaliyadda,waxaana booqashadooda ay la xiriirta sidii ay u ogaan lahaayeen baahiya ka jira Puntland.

Jaaliyada.Finland.Gar.5

Waxaa ay booqden xarumaha dowladda iyo goobo kale oo muhiim ah kuwaaso ku yaalla Garoowe,wafdiga ayaa ugu horreeyn tagay xarunta baarlamaanka dowladda Puntland,halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.

Jaaliyada.Finland.Gar.1

Hoggaanka jaaliyadda Puntland ee dalka Finland iyo guddoonka sare ee baarlamaanka dowladda waxaa ay ka wada-hadleen wafuuda booqashada Puntland ay u yimaadeen,waxaana ay u sheegeen inay doonayaan sidii ay xog uga aruurin lahaayeen baahida ka jirta Puntland iyo xarumaha dowladda Puntland sidii looga taageeri lahaa. Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland,Saciid Xasan Shire ayaa u sheegay wafdiga ka socda qurba-joogta Finland baahiyaha ka jira xarunta baarlamaanka,waxuuna sheegay inay u baahan-yihiin tababarro dibadda ah oo ay helaan xildhibaannada iyo qalabeen xarunta baarlamaanka. Jannagale wakiilka dowladda Puntland ee Finland ayaa guddoonka baarlamaanka uga mahadceliyay soo dhaweynta,waxuuna sheegay inay muhiim tahay tababarro inay helaan xildhibaannada baarlamaanka Puntland,arrintana ay xoogga saari doonan.

Jaaliyada.Finland.Gar.4

“Waxaan raadinayna qar ka mid ah xildhibaannada sidii ay u tagi lahaayeen xarunta baarlamaanka Finland,taas oo an ku doonayno inay soo arkan habka ay u sheeqeeyaan,aadban uga mahadcelinayna soo dhaweynta ad noo sameysan,”ayuu yiri Jannagale oo hoggaaminaya wafdiga ka ymid Finland.

Jaaliyada.Finland.Gar.6

Wafdiga waxaa kalo ay booqdeen wasaaradda caafimaadka Puntland,halkaas oo u ku soo dhaweeyay wasiirka caafimaadka dowladda Puntland,Dr Saadiq Eenow. Dr Saadiq ayaa ugu horreeyn soo dhaweyn kaddib u sharaxay wafdiga howlha shaqo ee wasaaradda,waxuuna sheegay inay jiraan baahiyo badan oo ka jira wasaaradda,isagoo tusaale usoo qaatay qalabka caafimaadka iyo adegyada ay ku shaqeeyaan oo an baahi tiri karin gobollada Puntland.

Jaaliyada.Finland.Gar.7

Cabdifitaax Cabdullaahi Jaamac (Jannagale) wakiilka dowladda Puntland ee Finland ayaa dhankiisa sheegay baahiyaha ka jira wasaaradda caafimaadka inay hor geyn doonan dowladda Finland iyo jaaliyadda Puntland ee ku nool dalka,waxuuna sheegay safarkooda inuu yahay xoog aruurin dhab ah si wax looga geeysan lahaa dhibaatada ka jirta Puntland.

“Dowladda Finland iyo jaaliyadda ayaan hor geyn doona baahiya caafimaad ee dalka ka jira,annagu waxaan u nimid xog uriirin dhab ah sidan u sameyn lahayn oo an u ogaan lahayn baahisa ka jirta Puntland,”ayuu yiri wakiilka dowladda Puntland ee Finland.

Ugu dambeyn,wafdiga waxaa ay maanta booqdeen xarunta uu ku shaqeeyo taleefinshika dowladda Puntland oo muddo labo sanno ah shaqeynaya,waxaana halka ku soo dhaweeyay maamulka iyo agaasimaha taleefishinka.

Xafiisyada iyo xarumaha kale ee u ku shaqeeyo ayuu wafdi tagay,waxaana halka ay warbixinno kaga dhageysteen maamulka iyo wariyaasha ka howlgalla.

Wafdigaan inta ay booqashada ku joogaan Puntland waxaa lugu waddaa inay tagan xarumo kala duwan oo ku yaalla Garoowe iyo gobollada kale halkaas oo ay xog aruurin ku sameyn doonan.

Jaaliyada.Finland.Gar.9

Jaaliyada.Finland.Gar.10

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7