War-bixin Xasaasiya: Puntland VS Musuqmaasuq

Posted Date: 04 Jan 2015   in: news,Puntland     Comments Comments

Puntland waxa la aasaasay sannadku markuu ahaa 1998, aas aaska kadibna waxa ay soo madhay heerar kala dowan oo la jaanqaadaya khibrada maamul ee ay helayeen dadka ka shaqeynaya adeega guud ee dowladda. Waxayna ku taal Puntland juquraafi ahaan bugcad muhiima oo haddii looga faa’idaysto sida ugu munaasabsan wax weyn iska badalayaan hannaanka dhaqaale ee shacabka Puntland.

Maamulka Puntland oo 17 jirsaday mid kamida wax yaalaha uu ku guul darraystay in uu wax ka qabto waxaa ka mida musuqmaasuqa oo ka dhex jiray ilaa muddadii la yagleelay. (Musuqmaasuqu waa in hantida guud loo isticmaalo dano gaara) hayeeshee, hadba heer buu joogay oo marna kor buu aadayey marna hoos. taasina waxa ay ku xirnayd hadba qofka majaraha hoggaanka Puntland hayay.

Marka la fiiriyane musuqmaasuqu Puntland waxa si daran u gaasheeyey dhinacyada alaabaha la soo dejinayo ama la dhoofinayo kaasi oo ah ilsha igu wen oo dekhligu ka soo galo Puntland meelaha uu aad u saameeyana waxaa ugu horraysa dekada Bosaso oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn Puntland maallin walbana uu ka soo xaroodo dakhli aad u fara badan, waxaase dekada ka dhex samaysmay koox mukhalasiina oo isku xiran lehna dad ka shaqeeya dekada iyo kuwo u dabara ganacsatada badeecooyinka dhoofaya iyo kuwa soo degaya, qaababka ugu badane uu ku dhaco musuqmaasuqu waa in la siiyo lacag sharci darro ah shaqaalaha qaada caanshuurta kolkaas ay sameeyan caanshuur dhaaf alaabta iyadoona la caanshuurayo qayb kamida alaabta halka inta kalane aan la caanshuurayn lacagtii lagu caanshuuri lahaane qayb ay qaadanayaan shaqaalah dekada.

Ma ahan dekada kaliya meesha uu ka dhaco musuq maasuqu sidoo kale waxa uu si xad dhaafa uga jiraa kantaroolada waaweyn ee Puntland waxaana gaadiid laydu dhib fara badan kala kulmaan kaantalooda Bosaso, Alxamdulilaah, Qardho, Garoowe, Xarfo, Galkacyo, iyo Tuko raq iyadoona laga yaabo marmarka qaarkood in ay gaadiid laydu ku qaadato saacado in ay ka gudbaan kaantarooladaas, waxayna kala kulmaan in la weydiinayo lacago ka dheeraada caansuurtii ku waajibtay haddii aysan bixine aysan waligood dhaafayn kaantaroolka, in badan oo kamida waxa ay ku khasbanaadaan in ay bixiyaan, haddiise wadaha gaariga loo arko in uu ka soo jeedane meel ka baxsan deegaanda Puntland waxaa dhacda mararka qaarkood in laga qaado lacag ka badan mid gawaarida kale laga qaado, taasi oo kamida mid hoos u dhigaysa ganacsigii soo jireenka ahaa ee Puntland la lahayd deegaanada dariska la ah.

Dhibaatadaas faraha badan ee ka jidha deegaanka waxay salka ku haysaa xisaabtan la’aan baahsan iyo wada shaqayn la’aan baaxad weyn ka dhexaysa qaybaha dowladda. Sidoo kale ka warqab la’aan weyn ee ka haysa dowladda hannaanka caanshuur uruurinta birriga, iyadoona kantaroolada lacagaha lagu qaado ay soo samaystaan warqado been abuura oo ay kaga arruurshaan gaadiid layda caanshuurta kolka ay ka qaadayaan ayagoona u jara rasiid aan ahayn kii dowladda marmarka qaarkood, taasina waxa ay dhabar jab weyn ku tahay dakhliga dowladda oo ku salaysan 100% caanshuurta aan tooska ahayn ee la saaro badeecooyinka, waxaanse iyana ka badbaadin musuqmaasuqa garoomada Puntland oo intooda badan ay gacanta ku hayaan dad hoos taga wasaarada duulista hawada iyo garoomada ayadoona dakhli badan oo ka yimaada ay maamulaan maamulka garoomada waxii ay gartaana ku shubaan khasnadda dowladda.

Marka la lafiiriyo dhanka wasaaradaha iyo xisaabtanka bajadka guud ee dowladda ma jiro macluumaad sax ah oo la soo bandhigo iyo xisaabtan joogto ah, iyadoona uusan wax shaqaa oo uu qabtay aan la arag hanti dhowr ka guud ee dalka ilaa mudadii Puntland la’aasaasay. Waxaase taas oo dhan ka sii daaran dalkane masiibo weyn ku ah maraakiib iyo doonyo badda xaalufinaya sheegana in ay ruqsad ka haystaan dowladda Puntland, ayna saaran yahiin ilaalo deegaanka laga saaray , doonyahaasi iyo maraakiibtaasina sidoo kale waxa ay dhib aan la cabiri Karin ku hayaan kalluumaysatada deegaanada puntland, qayldhaan kala duwan oo ka so baxdayna ma jidho cid dhag jalaq u siisay. Waxaan sidoo kale musuqmaasu ka badbaadin deeqaha loogu deeqo shacabka Puntland iyadoo la lun sado lacago badan oo waji deeqo lagu soo helay waxaana jirin xisaabtan dhab ah oo lala sameeyo hay’adaha ka shaqeeya arrimiaha bini aadan tinimada ee Puntland.

Dhanka kale doowladdaha hoose oo ah laf dhabarta soo arruurinta caanshuuraha kama aysan badbaadin musuqmaasuq oo waaba saaqay kor ilaa hoos, inta badana lacagha laga qaado shacabka waxa ay ku dhacdaa jeebka dadka arruuriya caanshuurta iyo madaxda waaxyaha dowladdaha hoose, meelaha ugu badan oo ay ka dhacdo kiisaska musuqmaasuquna waa lacagha laga soo qaado ganacsiga xorta ah oo deegaanku ku kala socdo, dhismayaasha kala duwan ee laga dhisayo deegaanada Puntland iyo mashaariicda ay fuliyaan hay’adaha maxaligaa iyo kuwa caalamigaa ee ka howl gala deeganka. Iyadoona in badan ay dhacdo shaqaalaha dowladdaha hoose in ay ka qaadaan lacago aan sharci ah xarumahaas ama ay ugu goodiyaan in ay ku shubi doonaan khasnada dowladda lacag fara badan, ama laga joojin doono shaqada ay wadaan hadday ay u hoggaansami waayaan amarada ka soo fuliya ayaga.

Dhanka ciidamada marka la fiiriyo Puntland waxaa ka dhacda in aysan helin mushaarkooda ama isaga oo dhimman la gaarsiiyo waxayna taasi ku dhacdaa maamulka sarre oo aan si saxa u maamulin mushaaraadka, taasina kuma koobna ciidamada kaliya ee waxay mararka qaarkood ku dhacdaa shaqaalaha rayidkaa waana mid kamida wax yaalaha dhiiri galiya in shaqaalaha dowladdu noqdaan kuwo baahan lacago laaluushana waydiiyaan shacabka si ay ugu maareeyaan nolol maalmeedkooda iyo tan qoysaskooda, sidoo kale waxaan jirin isku dheeli tirnaan mushaaraadka iyo qaab nololeedka waddanka.

Dowladda hadda talada haysa ee uu hor boodayo qurbaawiga dhaqaaliyahanka ah ee ka soo boqoolay cariga maraykanka ayaa ballamo badan oo ay qaaday aysan muuqan in ay soo dhowyahiin kuna mid ahaayeen, hagaajinta dhaqaalah dalka, la dagaalnaka musuqmaasuqa, wax barasho hoose oo lacag la’aana. Sugida xuduudaha, Dimuqraadiyad iyo isbadalo laga sameeyo caafimaadka, biyaha, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaale. Iyadoo ay hadda dhammaysatay dowladdu sanadkii ugu horreeyay ayaysan muuqan wax tillaabaa oo laga qaaday ballamo badan oo ay qaaday. Waxaana muuqata in musuqmaasuqu sannadkaan ay jidhay dowladda Gaas kor uga kacay mar ka loo barbar dhigo dowladdii uu hoggaanka u hayey Dr: Cabdirixmaan sheikh Maxamed maxamuud Faroole oo wax badan ka qabatay hannaanka dowladnimo ee Puntland.

Allidamaale