War Culus:- Masuuliyin iyo Shacab ku sumoobay Cuno Qaybo kamid ah Gal-mudug

Posted Date: 15 Jul 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wararka laga helayo dulleedka magaalada Gaalkacyo,waxaa ay sheegayaan deegaan 15 km u jira oo lugu magacaabo Daara Salaam , munaasabad ka socotay cuno laga cunay inay ku sumoobeen ilaa 18 ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Dadka la sheegay cunada sumeysan inay cuneen,waxaa ka mid ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug iyo ku-xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo iyo shaqsiyad kale oo dhallinyaro u badna kuwaaso deegaanka caan ka ahaa,sida ay warbaahinta gudaha ku soo warramayso.

Munaasabadda deegaanka ka socotay,waxaa lugu sheegay in magaca looga badalayey deegaanka,maamulka Galmudug wali war rasmi ah kama soo saarin dhacdadaan ay warbaahintu baahisay.

Allidamaale