War degdeg ah: Raysal wasaarahii Itoobiya Haiemariam Desalegn oo is casilay

Posted Date: 15 Feb 2018   in: World     0 Comments

War ay hadda shaacisay Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa  lagu sheegtay in rai’sul wasaarahii dalkaas uu gudbiyay  warqad iscasilaadiisa.Hailemariam Desalegn oo sidoo kale ahaa madaxa xisbiga People’s Revolutionary Democratic Front(PRDF)  ayaa sidoo kale  sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga hayay talada dalkaas Illaa 1991.

Desalegn ayaa ka soo jeeda shacuubta laga tirada badan yahay ee koonfureed Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa.

waxaana xusid mudan in iscasilaadiisu ku soo aadaymo xilli ay dalka socdaan rabshado ay wadaan qowmiyadda Oromada oo ah tan ugu badan dalka.

Wixii ka soo kordha xaaladda dalka Ethiopia ayaad kaga bogan kartaa warbaahinta Allidamaale oo dalka itoobiya wariye u joogo.

 

Allidamaale Xaafiiska Ethiopia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7