Warbixin hoose: kulan Muqdisho ku dhex maray M/W Xasan iyo Beesha caalmka

Posted Date: 08 Jan 2015   in: news,Somalia     Comments Comments

Magaalada Muqdhso xarunta dowlada Federaalka ee soomaaliya ayaa shalay waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Xubno ka socday Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha dowlada Federaalka mudane Xasan Sheekh.

Kulankaan oo ahaa mid lagu dhex dhexaadinayay Madaxda sare ee dowladda Federaalka oo u ka dhex jiro Khilaaf curdan ah oo soo kala dhex galay, kaas oo ku saabsan magacaabida golaha Xukuumada cusub ee Ra’isul wasaare Sharma’arke.

Kulanka ayaa Madaxweyne Xassan Xubnahaasi uga warbixiyay qaabka ay DF u gudaneyso waajibaadkeeda, iyadoona su’aalo kala duwan laga weydiiyay Khilaafka caadada noqday ee marwalba kala dhexeeya Madaxweynaha Ra’isul wasaarasha uu soo magacaabo.

Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha kala hadlay qaabka uu u doonayo xukuumadu in ay u gudato howlaha horyaala iyo madaxbaanaida xaafiska ra’us wasraaha, waxaana laga codsaday qodobada hoose:

1-In Arrimaha Xukuumada cusub loo madaxbaneeyo Ra’isul wasaare Sharma’arke si uu u soo dhiso Xukuumad hufan oo gudata wajibaadka hor yaala.

2-In Wakhtiga u harsan DF Soomaaliya laga doonayo hir galinta nidaamka hiigsi cusub iyo doorshooyinka 2016.

Lama yaqaan siduu u aqbalay qodobada ay hor dhigeen beesha caalamka Madaxweynaha DF ee soomaaliya, balse waxaa la saadalinayaa sidii caadada aheyn inuu ku gacan seyro, inkastoo marakan ay jirto khatar weyn oo ku wajahan kurisga Madaxweynaha, haduu ka dhago adeyngo.

Allidamaale