Warbixin: Maxaa kasoo kordhay dagaaladii Gambara

Posted Date: 16 May 2018   in: news,Puntland     0 Comments

Saaka oo nabad aan caga badan ku taagneyn ayaa waagii ka baryay Barigga deegaamada Tukaraq ilaa Gambara nawaaxiga Higladda ayaawkaxaase ka asocda Garaacid la isku garaacayo Hubka wax gumaada ee culus iyo qoryaha waa weyn ee gawaarida saaran.

Dagaal toos ahi ma socdo hayeeshee saacad walba ayaa la filan karaa, maadaama hub uruursi iyo gurmadyo ay ku howlanyihiin labada dhica waa Jeegaanta iyo Puntlandne.

Xiissada Dagalka.

Xiisada dagaal ee gobolka Sool ayaa gaartay meeshii ugu sareysay, kadib dagaalkii shalay Kooxda Jeegaanta laga laayay maleeshiyaad badan oo ay ku jiraan 14 sarkaal oo ay ku jiraan 3-dii sarkaal ee ugu sareysay oo lagu aasay deegaanka Oog ee gobolka Sool, waxeyna u kala dhasheen 3-Sacad Muuse ah 4-Habarjeclo ah iyo 1-Habaryonis ah intakalena marxuumtaasi waxey u badnaayeen Galbeedka Somaliland , isla markaana laga furtay 7-gaadiidka dagaalka ah, halka dhawaacyada lageyay Burco lagu sheegay 70-dhawacyo kala diwaan qaba, 21-aad u liidato.

Qorshayaasha ay Jeeganta maciinbiday.

Kooxda afxumadda ku nool ee Tabarta Daran ee uu hogaamiye Muuse Shaani ee Jeegaanland ayaa markale qorsheyneysa in ay Puntland 5-jiho kaga furto furimo cusub si culeyska saaran magaalada Laaasacaano looga dajiyo.

Wararka isa soo taraya ayaa sheegaya in Jeegaanland ay dhaqaajisay Argagixisadeeda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya Buraleeyda Galgala ee gobolka Bari, kadib markey ilaa xalay ku daabulayeen Hub iyo saanado Milatari.

Maxaa hakiyay dagalada saaka.
Maleeshiyada Jeegaanland ayaa todaabkii hore si weyn u miineyay dhulka banaan ee dagaaladu ka dhaceen maadaama dhulka aad u balaaranyahay ayana difaacikarin, taas oo keentay inuu soconwaayo maanta dagaalku, isla markaana maantoo idil ay ciidamada Puntland ku howlanaayeen miino saarid iyo qaarxin ay qarxinayeen qaar ka mid ah Miinooyin ku jiray meelo halka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale