Warbixin xasaasi ah: Golaha Amaanka oo Xayiraad ku soo rogaya shaqsiyaad lagu eedeeyay fal danbiyeed

Posted Date: 06 Nov 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Golaha Amaanka ayaa lagu wadaa inay dhawaan Xayiraad Caalamiya saaraan Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shaqsiyaad la shaqeeya oo lagu tuhunsan yahay fal danbiyeedyo aad u weyn.

Dadka la xaqiijiyay in la saari doono Xayiraad dhaqaale iyo mid safar waxaa ugu muhiimsan.

1- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Faarax Cabduqadir {Faarax Topaz}

2-Wasiirkii hore ee Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed {Dhegajuun}

3-Duqa Muqdisho Xasan Maxamud Xuseen {Muungaab}

4- Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlada Federaalka Cabdiraxman Tuuryare

5-Cali Maxamud Calasow oo ah Qandaraasle la dhashay Madaxweyne Xasan Maxamud Calasow.

6- Xildhibaan Cabduqadir Cosoble Cali oo ah Ganacsade weyn oo la tuhun sanyahay.

7- Xildhibaan Cali Ganeey

8- Maxamed Cabdullahi Sanbaloolshe – Taliyahii hore ee Sirdoonka iyo Nabadsugida.

9- Fahad Yaasiin Xaaji Dahir oo ka mida Sirdoonka Dalka Qatar ,ahaana Suxufi ka tirsanaan jiray Aljazeera TV.

Warbixin ay siwadajira golaha Amaanka ugu gudbiyeen SEMG IYO UNSOM ayaa lagu cadeeyay iney shaqsiyaadkaan kor ku xusan u xilsarayihiin bixinta Laalusha Xildhibaanada, ugudbinta Hubka kooxda Al-Shabaab iyo ku luglaahansaha dilalka qorsheysan ee Xildhibaanada iyo shaqsiyaadka dowlada ka tirsan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7