Warbixin+Sawiro:- Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xariga Kajaray Cisbitaal Casri ah

Posted Date: 28 Feb 2017   in: news,Puntland,Somalia,World     0 Comments

Isbitaal casri ah oo aan hore Noociisa oo kale loogaga furin Gobolada Puntland ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah Waxa Maanta Xariga uga Jaray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli maxamad Cali Gaas CuSbitaalkan oo Lagu Magacaabo Natiol Hospitaal Waxana laga Furay Magaalada bosaso Ee Xarunta Gobolka,

Xafladaan Balaaran ee Lagu Furayey Cusbitaalka Natioal Ayaa Waxaa ka Soo Qayb Galay Madaxweyneha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirka Duulista iyo Garoomada puntland Xasan Cade, Wasiir ku xigeenka Maaliyada Axmad Yasin ,Wasiir Duwlaha Madaxtooyada ,Gudoomiyaha Gobolka Bari Dhedo iyo Ku Xigeenkisa Duqa Degmada Bosaso Dhakhaatiirta Caanka ah ee Magaalada Bosaso ,Isimad Iyo Culimaudiinka ,Nabadoono,Madaxda Jaamacadaha ,iyo Dhamaan Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Kudhaqan Magaalada bosaso,

Ugu Horeyn Waxaa Waxa Xaflada Furay oo Ka Hadlay Agaasimaha Isbitaalka Natiol Mr.Mukhtaar Said oo sheegey in Isbitaalka maanta la furey uu yahay mid ka duwan Cusbitaaladii Horay Dalka Uga Jiray Ayna Hawshiisa Mudo Kusoo Jireen Maantana Ay Xariga Ka jereen Usaga oo Dhamaystiran Waxana uu Dadweynaha Soomaliyeed ugu Baaqay In ay ka Faiidaystaan Cusbitaalkan Casriga ah,

Intaas ka Dib Waxaa Usaguna Xaflada Ka Hadlay Maamulaha Guud Ee Cuspitaalka Dr.Maxamad Said Yasiin oo ah Maskaxdii Ka Damaysay In uu Hirgalo Cusbitaalkan Casriga ah waxana uu sharaxaad Dheer ka Bixiyey Sida Ay Shaqayn Doonto Xaruntan Caafimaad Iyo Sida Qalabkaan Casriga ah Ay Dhakhaatiirtu Ugu Shaqaynayaan,

Dr.Maxamad Said Yasin Ayaa Ugu Horayn Ka Haday Aqoon tiisa Dictornimo Waxana uu sheegay in uu Wax Kusoo Bartay Dalka Dibadiisa uuna Ku Takha Khusay Dhamaan Qaliinada Guud ee Dadkeena Ay Badankood u aadan Dalka Dibadiisa Qaarkoodna Ayba Udhintaan Waxana uu Maanta Soo Bandhigay Dhamaan Qalabkii Lagu Fulinlahaa Qaliimada Kala Duwan Ee Dalka ka Dhinaa,

Sida oo Kale Dr.maxamad said Yasin ayaa sheegay in Ay Cuspitaalkan ka Hawlgelidoonaan Ilaa 4 Dhakhtar oo Ku Takhakhusay Cudurada Dumarka, Wadnaha , Caruurta Iyo Qaliimada, Waxana uu Intaa ku Daray In ay Si dhow ula Shaqayn Doonaan Bulshada Ubaahan Caafimaadka Dhanka kale Waxa uu sheegay In Ardayda Jaamacada Caafimaadka ka Soo Qalanjibiye Ay ufuri Donaan Tababaro Dhinacyada Qaliinka iyo Gar gaarka Deg dega ah Si Ay ugu Faaiidayyaan Dhakhaatiirta Soo Koraysa,

Waxaa kale oo Goobta ka Hadlay Dr,Rooble oo Ka mid ah Dhakhaatiirta ugu Caansan Puntland waxana uu sheegay in uu ku Faraxsan yahay Goobtaan caafimaad ee manta laga Furay Magaalada bosaso waxana uu Sheegay in ay Daboolayso Baahiyihii Caafimaad ee Ay Bulshada Reer Bosaso Dareemayeen,

Sida oo kale Waxa Goobta Ka Hadlay Ugaas Xasan Ugaas Yasiin oo mid ah Isimada Puntland ugu Waaweyn Waxana uu Ugu Baaqay Bulshada Reer Puntand in ay ka Faaiidaystaan Cuspitaalkan Casriga ah Ee Maanta ay Nasiibka u Yeelatay Magaalada bosaso in Laga Furo Waxana uu Dawlada iyo Wasarada Caafimaadkana ka Codsaday in ay la shaqayyaan Natiol hospital,

Isla Xaflada waxaa Ka hadaly Gudoomiyaha Rugta Ganacsida Puntland Caydiid iy Duqa Degmada Magalaada Bosaso Eng Yasiin oo iyaguna Sheegay In ay Si aad iyo aad ah ugu Faraxsan Yihiin Xaruntaan Caafimaad ee Casriga ah Waxay Sheegeen In ay Garab Istaagayaan Natiol Hospitaal iyo Dhakhatiirta ka Shaqaysa waxayna Siwada jir ah usheegeen in Ay Bukaanadii Loo qaadi jiray Dalka Dibadiisa Ay Ka Raysan Doonaan oo Ay Maanta Heleen Daryeel Caafimaad oo Gurigooda ugu Yimaaday,

Ugu Damayntii Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa Waxaa Goobta Ka Hadlay oo Sheegay In Xaruntaan Caafimaadka ah Ee manta uu Xariga ka Jaray Ay ka mid tahay Horumarka Balaaran ee Ka Soda Puntland Waxana uu sheegay in uu ku Faraxsan yahay Dhalinyada Dhakhaatiirta ah ee Maanta Dalkeena Ka Daboolay Baahdii Caafimaad ee Dadkeenu La Ildaraayeen Waxa uu kaloo Sheegay Dhinaca Dawlada in ay Garab Istaagayaan Natiol Huspitaal oo Dhamaan Laf Dhabar u ah Bulshaweynta Somaliyeed,

Waxa uu isbitaalkan dabooli doonaa baahida caafimaad ee ka jirta gobolka Gobolka Bari iyo gobolada deriska la ah iyadoo isbitaalkana ay ka howlgalayaan dhakhaatiir adeegsanaya qalab casri ah, GUULAYSTA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7