Wariye Boqorka Bartamaha oo soo gaaray Muqdisho

Posted Date: 17 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wariye Maxamed Aweys Muudey ayaa maanta ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kaddib markii dhawaan laga siidaayay Xabsi ku yaalla Dalka Itoobiya.

Boqorka Bartamaha ayaa xalay ku hoday Magaalada Nairobi,halkaas oo uu maanta ka soo duulay,waxaana Muqdisho ku soo dhaweeyay Ururrada Saxaafadda iyo Ehelkiisa.

Wariye Muuddeey ayaa Xabsiga la dhigay Kaddib markii lagu eedeeyay in uu ku lug yeeshay Qarax ka dhacay garoonka Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla Magaalada Adis ababa,halkaas oo uu qaraxa kaddib ka mid noqday dadkii la xir xiray.

Maxkamadda Adis ababa ayaa Wariye Maxamed Aweys Muuddeey ku xukuntay Xabsi dhan 27 Sano maaddaama eeddiisa ahayd Argagixisanimo iyo in uu Qarax ku lugyeeshay.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Adis ababa C/llahi Warfaa ayaa wariye Boqorka bartamaha keenay Magaalada Nairobi oo uu xalay ku hoyday waxaana maanta uu ka soo degay Magaalada Muqdisho.

Wariye Aweys waxaa ay Maxkamadda xukuntay Bishii November ee Sanadkii 2013kii,waxaana Afar Sano kaddib xukunkii 27ka Sano ahaa u suuragashay in uu xorriyaddiisa dib u helo.

Allidamaale