Warqad Furan Oo Ku Socota Shacabka Somaliland Q2aad

Posted Date: 27 Mar 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh: Waxaan marna daah saarnayn oo aan cidina inkiri karin in dhammaan Somaliya oo dhan ay dhib aad u xanuun badan gaartay… Gobol gobol. degmo degmo iyo tuulo tuuloba… Gobolada uga darnaa ee dhibta ugu xanuunka badan gaartay waxay ahaayeen gobolada Bay iyo Bakool iyo Jubbooyinka… Dhacdooyinka xanuunka badnaa ee nabar maskaxdayda ka fuqi waayey oo kusoo noqnoqda waxay ahayd markii ay dhibaatadaasi gaartay in waalid ay ilmihiisii u qalaan hadba kii dhinta si kuwa kale ugu badbaadaan. Umalayn maayo dhacdo ka xanuun badan oo aadamaha soo martay inay jirto.

Waxaa dhacdooyinkaas ka mid ahaa in dad nool inta xeryo lagu xereeyo lagu gubo, waxaa iyana jirtay in dad shacab ah fuustooyin daamur ah lagu guro iyagoo nool.

Waxaa jirtay in caruur dad u badan ceelal lagu guray iyagoo nool oo lagu aasay… Middii iigu xanuunka badnayd ee aan indhahayga ku daawaday waxay ahayd in hooyo mayd ah ilmaheedii naaskeedii nuugayey oo aanu garanayn inaan hooyadiis naf ku jirin… Mana jirto cid maxkamad saaraysa dadkii dhibaatada intaa le eg shacabkaas u gaystay, sababtoo ah ma jirto Dawlad kala jecel wax kasta oo lagu sameeyo Shacabka Somaliya…. Waxaan ka warhaynaa qisadii xanuunka badnayd ee ka dhacday Wajeer ilaa hadda marna maxkamad lalama tiigsan Madaxwaynihii xilka hayey ee Dawaladda Keyna ee Aramooy.

Haddaba markaan usoo noqdo Somaliland waxaan ognahay in Dawladdii markaa talada haysay iyo jabhaddii SNM ay ku hardameen oo laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan cir iyo dhulba…. Dagaalkaas socday hubkii la is dhaafsaday ay shacab badan dhibaato badan gaarsiiyeen oo ay noqdeen wax ku nafwaayey, wax ku curyaamay iyo wax ku gurya beelay oo ka qaxay intaba… Waxaa kaloo Dagaaladaasi dhibaato wayn gaarsiiyeen shacabkii ku noolaa xeryaha qaxootiyada oo ilaa iminka aan la garanayn meel ay ku danbeeyeen… Cid haba yaraatee  xusaysa aanay jirin shacabkaas qaxootiga ahaa ee xeryahaas ku xaraysnaa.

Waxaa kaloo xusid mudan dhacdadii xanuunka badnayd ee ay wajaheen shacabkii ka qaxay Dagaaladaas dhex marayey SNM iyo Dawladdii talada haysay ee u qaxay Jabuuti dhibaatooyinkii iyo tacadiyadii ay kala kulmeen Jabuuti… Waxaa iyana xusid mudan dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii dhex maray Cabdiraxman Tuur iyo Ibraahim Cigaal oo saamayn dhibaata ah u gaystay shacab… Dagaaladii ka qarxay gobolka Sanaag oo iyaguna dhibaato kale u gaystay dad shacab ahaa… Waxaa iyana xusid mudan dhacdadii ugu danbaysay ee ka dhacday Kalshaale iyo nawaaxigeeda dagaaladaas oo dhibaato u gaystay shacab..

Gabagabadii

Garanay in Dawladdii talada haysay intaan dagaaladaasi qarxin ay dhibaato ku haysay gobolada qaar sida gobolada Waqooyi Bari ee hadda loo yaqaan Puntland iyo Gobolada Waqooyi Galbeed oo hadda loo Yaqaan Somaliland.
Garanay Dagaaladii dhex maray Dawladdii talada haysay iyo Jabhaddii SNM dhibaatooyinkii ka dhashay.

Garanay in dhibaatooyinkii gaaray Gobolada Togdheer iyo Waqooyi Galbeed dusha loo saaro in ay ka danbaysay Dawladdii Talada haysay.

Waxaa is waydiin mudan haddaysan ahayn jaah wareer ay faafinayaan danaystayaal dantooda gaarka ah ku fushanaya shacabka.

Yaa dusha loo saarayaa dhibaatooyinkii ay gaysteen Jabahaddii SNM….
Tacadigii ay Dawladda Jabuuti kula kacday shacabkii u qaxay…. Dagaalkii Cabdiraxman Tuur iyo Ibraahim Cigaal dhexmaray dhibaatooyinkii ay gaysteen.

Dagaaladii ka qarxay Gobolka Sanaag Dhibaatooyinkii ay gaysteen.

Dagaalkii ka qarxay Kalshaale dhibaatooyinkii ay gaysteen.

Wallee arintani waa Baroortu Diiqa ka Wayn.

Haddaba Shacab yahow Soo Dawgu maaha inaad is garataan oo dhallaankiina taariikhda laga daahayo oo jaah wareerka nacaybka ku dhisan lagu beerayo inaad ka hortagtaan…
Inaad Sidaas Samaysaan Alla qurux badanaa oo sharaf badanaa… oo Nabad iyo baraare ku nooloow u dhowaa iyo Allah ku mahadin.

Mar Haddii Allah nabad iyo Baraare Idin siiyey.

WaBillaahiTawfiiq
Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
Email: guurey@hotmail.com
https://www.facebook.com/Guureey
http://aadciiltire.wordpress.com/
https://www.facebook.com/AADCiiltire

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7