Warqad Furan Oo Ku Socota Shacabka Soomaaliya Q2aad

Posted Date: 21 Mar 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh: Rabigeena Qaadir ahi haddaanu nahay Somali waa na bilay oo na sharfay oo tiro iyo tayo nasiiyey oo degaan dhul daaqsimeed, macaadin, shidaal iyo nimco leh nasiiyey waxaaa inala gudboon waa abaal naq oo aan Rabi ku mahadino wanaagaas faraha badan ee uu ina siiyey.

Abaal naq Eebe waxaa ka mid ah nimcada uu ku siiyey oo aad ugu xamdido oo nimcadaasi kaa muuqato… Markuu ilaahay taajir kaa dhigay inaad dhar hilfo leh oo calal ah qaadato waa abaal dhac, markuu Rabigay lixda lixaad kuu dhamaystiray inaad dhutiso waa abaal dhac, markuu Rabigay caafimaad kusiiyo inaad sariir dul saaraato waa abaal dhac, markii Rabigay ku tarmiyey oo tiro tayo leh kusiiyey inaad gunnimo ku noolaataa waa abaal dhac.

Somali waxay degaan degaan aad u baaxad wayn qiyaas ahaan waa ilaa kumanaan kilo mitir oo iskuweer ah waana dhul Rabigay ku manaystay shidaal, macaadin, dhul daaqsimeed, bad iyo waliba waadiyo biyuhu qaadaan… Waxaa intaas usii dheer waxay Somaliya ku taal dhulka ugu muhiimsan adduunka oo dhan waxaa mara laba badood oo kala Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas… Badahaas waxay isku xiraan Shanta Qaaradood ee Adduunka…. Waddanka noocaas waa kala ahi ee adduunka oo dhan…. Dhankasta oo aad ka eegto hadday noqon lahayd baayacmushtar iyo dhaqdhaqaaq yada kale ee nolosha… Waxaa arintaas markhaanti ka ah… Markii burbad badeedu ka dillaacday waddankeena waxaa maraakiib dagaal usoo wada diray dawlad kasta oo leh maraakib dagaal oo adduunka oo dhan ah.

Waxaa marka milicsi mudan haddii Rabigeen tiro iyo toyo ina siiyey oo degaan ahaan dajiyey dhulkaa nimcada Rabi ugu deeqay maxay Somali ugu abaal naqeen Rabigood…
• In Dawlade shisheeye ku danaystaan oo  ku dhibaateeyaan degaladoodii iyo degalada adduunka kale oo dhan oo gunnimo badaan.
• In ay ixtiraam iyo qadirid la’aan kaga noolaadaan degaanadoodii iyo dunida daafaheeda
• In ayan ka damqan silica iyo arxan darada lagu hayo caruurtoodii iyo haweenkoodii
• In aqoon yahanadoodii iyo wax garad koodii dulugle noqdaan degaankoodiina ka cararaan
• In loo meeriyo waxa Dawladaha kale ka doonayaan oo aanay ka hadli karin
• In ay xabadda isu gurtaan markii iyaga dhexdooda wax kala gaaro dhibaatooyinka dawladaha kale u gaysanayaan aan la eegin
• In garoomadoodii la yiraahdo ma maamuli kartaan ee annagaa idiin maamulaynna
• In dhulkoodii macdanta laga daldasho iyagiina la yiraahdo lama bixi kartaan
• In Somali diid la bado haddana iyadoo siloon in dhulka dhan lagala wareego qarka loo saran yahay
• In la soo dhex galo iyadoo la raadinayo ihaano in la gaarsiiyo qaybo iyaga ka mid ah Rabina waxuu awood usiiyey Soomaaliya.

• In shacabka waddamadaas kale magan gal usoo degaan degaanadooda si ay ugu badbaadaan.
• In ixtiraam iyo qadarin fad ama ha fadina ku helaan degaanadooda iyo dunida daafaheeda.
• In dumarkoodu waddankay tagaan xurmo maahee aan xumaan loola iman
• In wax garad kooda iyo aqoon yahankoodu sharaf ku dhexmaraan dagaladooda iyo degalada waddamada kale.
• In go’aan kay qaataan aan laga daba hadlin in lagu raaco mooyaane
• In ay gacmaha is qabsadaan khilaafkoodana xaliyaan dawladaha kalana aysan dhib la soo hawaysan iyaguna u gaysan
• In dadyowga kale sheegtaan Somali markii cabsi soo wajahdo
• In aan dhexdooda dadka ku nool aan cadaawad loo soo aadi karin iyaga mid lala soo aado daayoo
Somaliyeey waxaan ku jirno waa gunnimo waa abaal dhac aan Rabi ka abaal dhacayno, haddaynaan heeryadaan gunnimo inagu iska ridin cid inaga rogaysaa ma jirto inay heerya kale na dulsaaraan maahe.
Somaliyeey ma ina qabataa in Dawlade kale yiraahdaan amnigiinnaan sugaynna oo damacba ka geli karo inay naga raraan… in maagaaloyinkeenii sidii digaaggii aan maqribkii ka seexanno aan is badno nabad darro darteed.
Somaliyeey ma ina qabataa in baayac mushtarkeenii Ugandha, Kenya, South Africa Zambia  iwm maalin kasta lagu laayo ama lagu bahdilo.
Somalieey ma ina qabataa in shirarka waddamada dibadda shirkay galaan dhereg dhacsi laga dhigto maaweelin wax u qabashada Shacabka Somaliya, oo baqdin iyo shaki ay ka qabaan inaan midoowno oo danaheenna qabsanno markay maqlaan shir Somalidu iskeed u qabsatay oo aan cidkale wehelin oo ay lasoo xiriiraan, iyagoo hubsanaya in shirkaas loogu tashanayo arima ka soo horjeeda iyo inakale innaguna aan laba cali is waydiin haddii boqol shir looga hadlayo Somaliya ay qabtaan waddamo kale.

Gabagabadii
Duhur iyo habeen iyo dharaar, oohinta aan duugin
Daaraha cidlada ah iyo guryaha, nagu dabayloobey
Dalanbaabigaygiyo lugaha, diifka socodkayga.
Derbiyada magaalada agoon, diiqsan baa tubane
Bal aan ku dayo waa intaas oo waanadu deeqdaaye

Walaalayaaloow gabdhaheena maalinba mid foolxumada lagu jirabayo bal qiyaas gabar dhowr nin oo ka xoog badan isu qabteen oo qayladii iyo oohintii ka dhammaatay oo  cid usoo baxaysaa jirin urugada iyo qaracankaas haysta aan isu taagno inaan tusno inay shacab ka damqanaya…ilma adeerayaaloow ma intaas baad ila garan la’dihiin
Walaalayaaloow wiilasheena xabsiyada ku qurmay ee quusta jooga qaracan iyo ciil la ilmeeya habeenkii markii qolkii ciriirka ahaa lagu xiro aan isu taagno oo tusno inay Shacab leeyihiin u damqanaya… ilma adeerayaaloow ma intaas baad ila garan la’dihiin
Walaalayaaloow caruurteenii oo markay banaanka ku cayaaraan xabado is dhaafayaa la kacaan oo hooyadii dhashay baroor iyo qaracan la ilmayso iyadoon awood kale lahayn bal qiyaas ilmahaagii oo aad dhabta ku hayso oo dhiig baxaya oo aan dib danbe hooyo ama aabe kuu oronayn oo aadan waxba u qaban karin uur kutaaladaas iyo calool xanuunkaas hooyadaas iyo aabhaas haysta aan isu taagno oo tusno inay Shacab leedahay ka damqanaya… ilma adeerayaaloow ma intaas baad ila garan la’dihiin
Walaalayaaloow Caalim iyo aqoon yahan masaajid ka soo baxay oo kuwa madaxa duubtay baskoolado dhinaca kala soo istaageen meeluu u irkado haysan qaracanka awood la’aan iyo ehel la’aanta uu markaa dareemayo aan isu taagno oo tusno inuu leeyahay Shacab ka damqanaya… ilma adeerayaaloow ma intaas baad ila garan la’dihiin.

Walaalayaaloow hooyada ninkeedii ay jeclayd oo aabaha caruurteeda ahaa isagoo la dilay loo soo sheegayo qaracanka uur kutaalada haysata iyo awood xumida inay asaay qaado oo hoogayoo ba’ayeey itaal bido maahee aan miciin kale haysan aan isu taagno oo tusno inay leedahay Shacab ka damqanaya… ilma adeerayaaloow ma intaas baad ila garan la’dihiin
Walaalayaaloow wax aydaan ogayn iima muuqdaane qaracanka iyo ciilka wax garadkeenii gudaha joogay haysata oo mid aan waxba garanayn kana jeclayn wixii soo gaarayaa ku hayo aan u istaagno oo tusno inaysan Shacab leeyihiin ka damqanaya… ilma adeerayaaloow ma intaas baad ila garan la’dihiin

Walaalayaaloow dhallin yaradeenii oo markii iskuulka ka baxaan meel ay u irkadaan waayey oo tahriib aaday oo doon ciriira dad ka itaaal roon la saaran bad kula caariday hoogayda iyo qaracanka qurgooyada haysata aan isu taagno oo tusno ineey leeyihiin Shacab ka damqanaya…. ilma adeerayaaloow ma intaas baad ila garan la’dihiin

Haddii waxaas aan ka hadlayo idiin muuqdaan walaalayaalow Allah ayaan idinku dhaarshee fadhiga ka kaca… oo gacmaha is qabsada oo uur kutaaladaan idilootay, hurda la’aantaan aaan sariirtii qaban waayey walaalayaaloow ila arka.
Walaalayaaloow meel aan aado ayaanan aqoon ee idin ma soo aadeen Allah ayaa ikiin baday… inaan hadba qoraal qoro ayaa dani I moodsiisay… hadba in mid aan baryo walaaloow iraahdo oo aan ku baryo waxaanan ka xigin oo aan ula simanahay oo ah aan xumaanta iyo heeryada gunimo iska ridno.

Walaalayaaloow reer hebelbaa sidaas ah iyo reer hebelbaa sidaas ah ayaad ka dhammaan waydeen walaalyaaloow sidaani sharaf maaha dadnimo maaha waa dullinimo.

Dhashii Shacabka Somalyeey rag iyo dumaroow waxaas foolxuma iyo bahdil aan Rabigeen ina badin ee inagu is badnay dhammaantood waa wax jira oo aan la beenin karin qofkasta oo inaga ahina qalbigiisa ku jirta dhaawac xunna ay ku tahay damiirkiisana wax u dhimaysa.

Sidii aan uga samata bixi lahayn lahayn fool xumooyinkaas waxaa loo baahan yahay inaan is bedel la nimaadno inagoo tixraacayna kalaamka Rabi swt ee ahaa QOOM RABIGAY KAMA BEDELO HADAANAY IYAGU ISKA BEDELIN WAXAY KU JIRAAN.

Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
Email: guurey@hotmail.com
https://www.facebook.com/Guureey
http://aadciiltire.wordpress.com/
https://www.facebook.com/AADCiiltire

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7