Warqad Furan oo Ku Socota Shicibka Somaliyeed‏

Posted Date: 06 Jan 2015   in: news,Somalia     Comments Comments

Waxaan ku bilaabay magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh: Shacabyahow dhibo badan ayaa idinku habsatay, oo ay ka mid yihiin dil, xasuuq, boob iyo dhac ku salaysan arxandaro naxariis la’aan ixtiraam la’aan, uquurid la’aan, xaasidnimo…iwm… dhibahaas  oo ay idiin gaysanayeen kuwii aad idinku dhasheen oo aad daadihiseen dhibta ku imanaysa aad dhabarkiina u dhigayseen ha dhicin hajibin lahaydeen ilaa intay kasoo xoogsanayeen iyo dawlado danahooda idinnku wata oo aad u noqoteen laas aan gurin oo ay dhurtaan.

Shacabyahow waalidkiin wuxuu ahaa dad karaamo, sumcad iyo sharaf lahaa oo adduunkoo dhammina ku ixtiraamayey cadowgooduna uga baqayey. Waxay ahaayeen dad aan dawladaha aduunka tuugsan… Dad aan gaajadooda la arag… Dad aan khayaamada aqoon.. Dad aan quursi cidna ka ogolayn… Dad sumcadda iyo sharafta naftooda u hura sharaf iyo wanaag meeshay ka gaareen heeskaan hoose bal dhuux oo ka dhandhanso.

Waqtiyada socdaalka ah                  Ayaamaha silsidda ah
Xilliyada bal suuree                    Soojire haddaad tahay
Sadarrada dib ugu noqo                  SOOMAALI WAA KUMA?

Sinnaantaan la magac ahay                 Sanku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarrayn karo                   Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo                 SOOMAALI BAAN AHAY

Ninna madax-salaax iyo                  Kama yeelo seetada
Sasabada ma qaayibo                   Sirta waxaan iraahdaa
Saab aan biyaha cellin                   SOOMAALI BAAN AHAY

Dabayshaan la socod ahay                  Salfudeydna uma kaco
Waabay sunaan ahay                     Marna samawadaan ahay
Samir baan hagoogtaa                    Soomaali baan ahay

Inkastoon sabool ahay                    Haddana waan sarriigtaa
Sacabada ma hoorsado                   Saaxiib nimaan nahay
Cadawgayga lama simo                   SOOMAALI BAAN AHAY

Socdaalkaygu waa meel                   Sahaydaydu waa dacar
Soohdintaydu waa can                     Seeftaydu waa cudur
Naftuna geedka iga suran                   SOOMAALI BAAN AHAY

Nin i sigay ma nabad galo                   Nin i sugayna maba jiro
Libta weli ma sii dayn                    Gardarrada ma saacido
Nin xaqlana cid lama simo                     SOOMAALI BAAN AHAY

Nabaddaan u sahanshaa                     Colaaddaan ka selelaa
Sooma jeesto goobaha                                   Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo                           SOOMAALI BAAN AHAY

Ninkaan taydu soli karin                    Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarkeed                          Ninna kabaha uma sido
SOOMAALI BAAN AHAY                                         Ninka iga sed roonow
Siintaada magaca leh                           Ogow kaama sugayee
Hana oran “sasabo bedow”                          Dareen seexda ma lihiye
SOOMAALI BAAN AHAY

Saan la kala jaraan ahay                         Summadi ay ku wada taal
Rag baa beri i saanyaday                     Anoo xoolo soofsada
Xil midnimo anaa sida                      SOMAALI BAAN AHA

Idinkiina waxaad noqoteen waxaan sharaf lahayn oo karaamo lahayn oo sumcad lahayn aduunkana dawlad ixtiraamaysaa aysan jirin cadowgoodiina inuu kabaqo iska daaye aanu daahaba ka rogan… Allah ayaan idinku dhaarshee maanta ruuxa Somaliga ah oo hees kaas sharafta iyo wanaagga ay waalidkeen lahayeen xanbaarsan kufaani karaa waa kee. Sacabadaan hoorsanaa cadowgeenaan kabaha usidnaa waxaan rabno inaan dhahnaa loonoo yeeriyaa midnimadaan ka cararnaa dullinimadaan iyo tafaraaruqaan u orodnaa wanaag ayaan idiin soo wadnaa ayaa laynugu sasabaa-

Dhulkeenii intii inoo hartaa lagu soo fiday qaybaa lakala iibsanayaa oo dawlada kale kala iibsanayaan (sida suqadara oo yemen iyo Imaaraadku kala iibsanayaan) itoobiyaankii ayaa inagu soo fiday oo gudaheenii jooga inagaa hubka usidnaa askartuu wataa oo lebiska itoobiyaanka xiran waa Somali kuwa kale lebiskeena wataa oo hogaaminayaa waa Somali, Kenyaatigii ayaa inagu soo fiday oo dhulkeenii dhex mushaaxaya askartuu wato oo labiskii kenyaatiga xiran waa Somali kuwa hogaaminaya oo labiskeena xiran waa Somali.

Ciidamao kale oo afrikadaa ka yimi ayaa innagu mushahar qaata oo dhaqaale badan magaceena ku  hela kuwii inagga askarteena ahaa shilin ma qaataan ciidan inoo gaar ah in dakhli lagu bixiyo oo dib loo dhiso laynooma ogola sababtoo ah dhaqaalahaas ayaa ka istaagaya magaceena lagu soo qaadato… Dhammaantoodna Itoobiyaan Keenyaan iyo afrikadaa kalaba ma ay kala jecla dhibta iyo hoogga maatadeenii ku dhacaya oo waxaan noqonay mashruuc laga shaqaysto…

Hal hoobiyaa kusoo dhacaya meelaha ay ciidamadoodu joogaan boqol madfac ayeey ku jawaabayaan ciday ku dhacayso oo ay haleelayso makala jecla oo ka nixi maayaan, gaari tikinikaa xabadaynaysa diyaaraday ku soo kicinayaan dhulkii xayawaankii dadkii ugaartii oo dhan bay ololinayaan mana kala jecla waxii ku dhammaanaya. Iskabadaa inay ka naxaan xasuuqa madaafiicdaasi gaysanayso ee maalintay madaafiic badan ridaan waa baraarahooda sababtoo ah madfacay dhulka ama cirka ka ridaan waxay soo dallacaan kharashkiisa markaas ayaa kuwii UN ta sheeganayey iyo kuwii madaafiicdaa ridayey kala goostaan dhaqaalahaas magaca Somaliyeed lagu baxshay. Kuwii lagu soo gabanayey ee Alshabaab iyaguna waxaad moodaa inaanay kala jeclayn dhibahaas lagu wado dadkii iyo dalkii ay udhasheen.

Baddeenii ayaa qashin lagu qubayaa khayraadkeedii ayaa la dal dalanayaa wax ka naxaya oo boobkaas iyo dhacaas lagu wado ka hadlayaa ma jirto…

Wiilal aan dhalnay ayaa laashash qaatay oo maraakiib afduubay waxaa soo gurmaday adduunka oo dhan waxay soo wada direen boqolaal maraakiibta dagaalka ah, maqal iyo muuqaal radio qoraal meel kasta ayeey ka sheegaan wiilashaas maraakiibta afduubtay, ogoobeey… Wiilashaas dadka saaran maraakiibta malaayaan ee dhaqaale ayeey waydiistaan..

Hal TV iyo Radio ka hadlaya khayraadkaas la dhacayo badaas… sunta lagu shubayo dhulkaas lakala iibsanayo ma maqasheen mise maqasheen marna markab dagaal oo waddan hebel leeyahay ayaa qabtay markab khayraadka Somaliya guranayey amase qabtay markab badda Somaliya sun ku shubayey…!!!

Dhaqaalaha maraakiibtaa la afduubtay la waydiistay meel kasta ayeey isaga soo ciidmeen. Dhowr milyan ayeey wiilashaasi waydiistaan maraakiibta ay qabsadaan, baddeenana waxaa laga xaabsadaa oo laga boobaa si bareer ah oo dhac ah dhaqaale boqolaal kun oo milyan kor u dhaafaya sunta lagu shubayana xad maleh-

Shacabyahow dadkii dibadaha idinka aaday baraarahoodu waa maalinta aad islaysaan waxay shaaha makhaayadaha kaga cabaan oo isugu faanaan intaad iska dishaan, waxay uruuriyaan lacag ay doonayaan inaad xabadu ku gadataan aad isku laysaan si sheekada shaaho maalintaas qiimo u yeelato oo ay isugu faanaan reer hebel manta intaas ayaan ka dilnay… Caruurtii ayeey idinka bara kiciyeen oo baddii ku dhammaatay say usu lahaayeen hebel iyo hebla meeshay tageen aada oo idinkuna kasoo hadla. Wax agab ah oo wanaaga ama arxan oo ay idiin hayaan ma jirto.

Shacabyahow waxaad tihiin dadka kaliya ee aaminsan in ruux kastaa waqtigii loo qoray dhimanayo oo aanu dhaafayn oo haddii sababta dhimashadiisu tahay xabad aanu seegayn… hadday tahay cudur aanu seegayn hadday shil baabuur ama markab ama diyaarad tahay aanu seegayn… Shacabyahow baqdin ayaa wadnihiina guri ka dhigatay aan maskaxdiinu aaminsanayn, sababtoo ah maskaxdiinu intaas aan soo sheegay ee ah inaanu ruux kastaa dhaafayn waqtigiisa ayeey aaminsan tahay.

Shacabyahow haddaydaan istaagin oo fulaynimadaa hoyga idinka dhigatay tuurin ogaada inaanay foolxumadaas, hoogaas, dhibaatadaas araxan daradaas sharaf dhacaas sumcad xumadaas idin saaran oo laydinku hayo inaan laydinka daynayn mid iskeed idiinka kacaysana maaha… Ogaadana Rabbi inuu yiri duul Rabbi kama bedelo waxay ku jiraan inay iska bedelaan maahee shar iyo khayr waxay tahayba…

Shacabyahow inaad xabad isu gurataan oo isleeysaan oo is xasuuqdaan kama baqdaan oo haddaad tobon nafood leedihiin oo midiba mar baxayso makala jeclidin oo xabadaad isu dhigaysaan. Ma waxaad awoodi la’dihiin oo ka baqaysaan inaad xumaanta dhaca boobka bahdilka laydinku haya nafta u hurtaan oo isu taagtaan same iyo baraare inaad kuwada noolaataan idinkoo sumcad ixtiraam sharaf adduunkoo dhan idiin hayo, ogoodana qof aan waqtigiisii dhammaan dhimanmaayo.

Shacabyahow waxaad noqoteen oo yeelateen dhaqanka shimbirta la yiraahdo Qoolayda, shimbirtaasi shimbiraha kale shibmir ay iska celin kartaa maleh xataa kuwa yar yar oo Somalidu u taqaan dayn hilato oo markay dhulka kusocdaan bood booda… Qoolayduna markay shimbiraha kale oo ay isku nooc iyo sinjiga yihiin ee qoolayda ah aragto ayeey biloowdaa guux oo giirka kicisaa hadba mid ku boodaa…

Idinkiina sidaas oo kale ayaad noqoteen dhexdiinii markay noqotana guux iyo sawaxan ayaad biloowdaan dadyowgaa dawladaha kala mid aad juuq u dhihi kartaan ma jirto. Tusaale ahaan Ciidamada badda ee Puntland iyo Somaliland ayaan maqlaa oo soo qabqabtay burcad badeed toloow maanay xabadoodu karin maraakiibtaan sunta iyo khayraadka daldalanaysa ama shubaysa badaheenii…Hal markab oo khayraad gurnaya ama sun shubayey  ayeey soo qabteen Allah ku dhaartee inaanan maqal.

Maalin dhowaydna dhammaantood waxaa laysugu geeyey Imaaraadka iyagoo la leeyahay soo qabqabta wiilashiina maraakiibta afduubata sababtoo ah haddaanu nahay adduun waynaha kale dhaqaala hayagii ayaa wiilashaasi duullaan  ku yihiin bal ka warama kuwa dhaqaalaheenii duullaanka ku ah oo waliba dhib iyo sun isugu kaaya daraya.

Shacabyahow waxaynu u baahanahay ugu horayn ruux masuul qaadi kara oo inaga naxaya oo naxariis leh oo damiir leh iyo idinkoo dhan oo daba istaaga gacanna siiya cid alaale iyo ciddii isku dayda inay ka hor timaadda oo dawladahaas kale ah car nuuxsada yiraahda. Dhagax ayaad ku eryi jirteen maantana wada xabad baad haysataan hadaad is raacdaan miyeey idin soo hollin karaan waa maya. Rabbina waa idin caawinayaa illayn xaqdarro kuma socotaan waa dhulkiinii waa dadkiinii dawladahaas kale dhulkoodii iyo dadkoodii duullaan kuma tihidin.

Shacabyahow ruuxa Naxariista badani leh dareem damqada leh ixtiraamka leh kuwiine taagta daran ayuu u turayaa kuwiina madaafiicdu iyo dhibaha kale ku habsatuu kanaxayaa khayraadkiina iyo dhulkiina sidii ladoono laga yeelayuu dareenkiisu diidayaa, waxaad tiraahdaan ma rabno ayuu ixtiraamayaa oo idinku raacayaa. Haddaan ruux intaas leh heshaan idinkuna daba istaagtaan oo aad garabsiisaan dhibahaas xal ayaad u halaysaan Allah idinkii…

Shacabyahow ma is waydiiseen inaad awoodaad inaad oron karta maya waxaas waa diidnay waddan kayaga nooga baxa Ciidammo annaga ah ayaan dhisanaynaa hadaad Dhaqaalo na siinaysaan annagaa u tashanayna…

Shacabyahow ma is waydiiseen inaad diidnay oron kartaan dawladdii tiraahda ciidan ayaan gaynaynaa Somaliya maya diidney

Gaqbagabadii

Shiciboow ama Qoolaydii noqda markay qoolay kale aragto u guuxi jirtay… oo isu guuxa markii dagaal dhexdiina ka qarxo… Ama sida shimbiraha bahda bolo boolada ka midka ah ee aad korkiina ku aragtaan iyagoo saf saf ah oo midkood hogaaminayo iyaguna is jecel shimbiraha kalana aanay ku soo dhicin inay hawaystaan oo dhibaan oo kale noqoda.

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Email: guurey@hotmail.com

https://www.facebook.com/AADCiiltire

https://www.facebook.com/Guureey

http://aadciiltire.wordpress.com/

 

Allidamaale