Wasaarada Qorshaynta Dowaladda Puntland oo ku Qabatay Garowe shir ku sabsan wixii u Qabsoomay (Sawiro)

Posted Date: 18 Apr 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wasarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland ayaa manta ku qabatey magaalada Garoowe ee Caasumada Puntland shir looga hadlayo waxqabadki uu qabsoomey sanadkii lasoo dhaafey ee 2016 iyo Qorshaheeda sanadka 2017-ka.

Waxaa kasoo qeybgalay shirkaan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowlada Puntland, Wasiiru dowlaha qorsheynta, Madaxa mashruuca tayeynta hay,addaha dowlada iyo Marti sharaf kale.

Muuse Ducaale oo ah madaxa mashruuca tayeynta hay,addaha dowliga ah oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ay ka mid tahay Hay,addaha Dowliga ee ugu wanaagsan Puntland, Islamarkaana loo baahan yahay in mar walba la ogaado wixii u qabsoomay iyo waxay qaban doonto.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ee Puntland Axmed Ibraahim Cawaale ayaa dhankiisa sheegay inay shaqo wanaagsan qabatay wasaaraddu Islamarkaana uu rajeynayo inay intaas kasii laba jibaari doonto shaqadii horre.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Puntland Shire Xaaji Faarax oo si rasmiya u furey shirkan dib loogu eegayo waxqabadka wasaaradda iyo qorshaha soo socda ee 2017-ka ayaa ka dhawaajiyay inay jiraan qorshayaal badan oo u degan Wasaaradiisa sanadkaan.

Allidamaale