Wasaarada Warfaafinta Puntland oo ku dhawaaqday in la joojiyo isticmaalka Luuqaadaha Qalaad Garowe

Posted Date: 12 Aug 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wasaarada warfaafinta hida iyo dhaqanka ee Puntland ayaa maanta soo saartay warqad loogu digayo Xarumaha Ganacsiga iyo kuwa daabaca Boorarka lagu xiro wadooyinka iyo meelaha ganacsiga in ay joojiyaan luuqada Qalaad ee lagu qoray English.

Wasaarada Warfaafinta qaybta Hormarinta iyo u Hiilinta Afka Hooyo ayaa war Qoraal ah maanta kasoo saaray luuqada qalaad ee lagu dabacayo warqadaha waxaana ay codsadeen inaysan xarumaha Daabacaadu ka qayb qaadan Bur-Burinta Afka Soomaaliga isla markaana ay qayb ka noqdaan sidii kor loogu qaadi lahaa.

Gudiga Hormarinta iyo u Hiilinta Afka Hooyo ayaa maanta waxay sheegeen inaysan jirin cid isticmaali karta luuqadaha Qalaad marka laga Reebo Carabiga iyo Afka Soomaaliga kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ay luuqad ahaan u leeyihiin sida lagu qoray war kasoo baxay wasaarada Warfaafinta.

Amarkan ayaa si gooni ah loogu diray Xarumaha Dabacaada ee magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland iyadoo sidoo kale wasaarada iyo gudigi ay sheegeen laga bilaabo marka ay soo baxdo warqadan in lajoojiyey isticmaalka luuqadaha qalaad marka laga reebo Soomali iyo Carabi.

Allidamaale