Wasaaradda Amniga oo shaacisay in Xildhibaan Dirir ay Dileen Ciidamada Xoogga dalka

Posted Date: 24 May 2015   in: Somalia     0 Comments

Waxay ahayd shalay markii lagu dilay magaalada Muqdisho Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka sidoo kalana lagu dhaawacay  Xildhibaan Cabdalla Boos kadib weerar lagu qaaday ayaga oo maraya wadada Maka al mukarama, Wasaarada amniga gudaha ee dowladda Soomaaliya waxaa ayaa Shaacisay maantain Dilkaasi iyo dhaawaca masiirka ay ka danbeeyeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo Shir Jiraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Hay’addaha Amniga dalka ay yeesheen Shir deg deg ah kaasi oo lagu ogaanayo Cida ka dambeysay dilka xildhibaankaas ,waxaana la ogaaday in Weerarkaasi ay Fuliyeen Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka.

“Gaariga ay saarnaayeen Xildhibaanada oo maraya Wadada Maka Al-mukarama ayaa waxaa ka daba yimid gaariga ay la socdeen ciidamada xoogga dalka oo hoon yeerinaya,kadib gaarigii Ciidamada Milatariga ah ay wateen ayaa Gaariga Xildhibaanada ku hor jaray oo rasaas la dhacay”ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada. sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenku in dhacdadaan loo xil saaray guddi ka kooban todobo xubnood kuwaas oo si degdeg ah u howl gali doona.

ma ahan markii ugu horraysay oo xildhibaan lagu dilo magaalada muqdisho hase yeeshee su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah goorma ayay soo af jarmi doontaa dilka lagu hayo xildhibaanada Soomaaliyeed?

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7