Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dowladda Puntland oo Gaalkcyo ku qabatay Kulan Muhiim

Posted Date: 11 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wasaarada arimaha gudaha dawlada Hoose iyo hormarinta Reer miyiga ee dawlada Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay kulan lagu baranayey Xeerka lagu maamulayo dadka qaxootiga ah.

Burhaan Huruuse Xaashi Agaasimaha Qaxootiyada ee dawlada Puntland ayaa ugu horayn wuxuu faah faahin ka bixiyey Xeerkan iyo waxyaabaha uu ka caawinayo dadka qaxootiga ah ee kusugan Puntland wuxuuna sheegay inay ku baranayaan Aqoonsiga ay wataan iyo siyaabaha looga qaadi karo iyo sidoo kale xuquuqda ay ku dhexleeyihiin deegaanada Puntland.

Sidoo kale qaar kamid ah dadkii ka qayb galay Kulankaasi oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Qoomiyada Itoobiya iyo Oromiya ayaa hadalo kooban kasoo jeediyey kaas oo ay uga hadlayeen muhiimada uu u leeyahay xeerkan waxaana ay sheegeen inay ku faraxsanyihiin inay ogaadaan waxyaalah looga baahanyahay iyga iyo sidoo kale waxyaalaha ay u baahanyihiin halka ay u raadsanayaan.

Allidamaale