Wasiirka Amniga Dowladda Puntland oo gaaray gobolka Sanaag maalin ka hor Doorashada Somaliland

Posted Date: 13 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Waxaa maanta gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf(Dowlad)halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wasiirka Amniga Puntland ,waxaa ku weheliya Wasiiru dowlayaasha Xanaanada xoolaha, Dekedaha, wasiir Ku-xigeeno, xildhibaano iyo saraakiil ciidan waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon , Duqa Degmada Badhan C/risaaq Axmed Ciis, Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee gobolka Sanaag, Cabdullaahi Cumar Cashuur, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka ee degmadda, Taliyaha ciidamada Asluubta Gobolk Col Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaradaha, Caafimaadka, waxbarashada, beeraha, ganacsiga iyo Degaanka.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf(Dowlad) ayaa sheegay in Ujeedada socdaalkooda la xiriiro sidii beesha caalamka iyo Ummada Soomaaliyeed loogu soo bandhigi lahaa in gobolada Sanaag iyo Haylaan aysan ka jirin wax doorasho oo dhinaca Somaliland ka timaada.

Meesha aan joogaa waa Badhan, wax doorasho iyo calaamad doorasho oo ka muuqataa ma jirto, waxaan arrintaasi suurtagaliyay shacabka oo ogo, una bisil inay ilaashadaan oo xajistaan amniga,sharaftooda iyo ilbaxnimadii taarikhigi lahaa ee ay lahaayeen” ayuu yiri Wasiirka Amniga, wuxuuna sii raaciyay

Shacabka degan mandiqadan ma ah shacab soo maray gumaysi, Ma ah shacab u dulqaata in shacabka kale oo Soomaaliyeed oo iyagoo kale ah ay yiraahdaan annaga idiin xukumayna, taariikhda lagamuma hayo Shacab yiraahda shacab kale, annagaa tirakoobaynaa idiin maamulaynaa” ayuu yiri Wasiirku

Waxa uu sheegay in taasi ay tahay Ujeedada keliya ee lagu doonayo in lagu jahwareeriyo shacabka lana marin habaabiyo beesha caalamka,loona sheego in shacabka gobolka Sanaag doorashooyin samaynayaan.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in Siyaasadda Puntland ay tahay mid ku salaysan amni iyo wada noolaansho.

Allidamaale