Wasiirka Arrimaha Dibada Federaalka oo laga hor istaagay safarkii uu u raaci lahaa Farmaajo dalka Qatar

Posted Date: 14 May 2018   in: news,Somalia     0 Comments

Warar hoose oo kusoo dhacay warqabadka warbaahinta Caalamiga ee allidamaale.com ayaa sheegaya in si musuq maasuq ah looga reebay safarkii Madaxweynaha dowlada Federaalkamudame Farmaajo uu ku tagay dalka Qatar Wasiirka Arrimaha Debadda Diwladda Federaalka Axmed Ciise Cawad.
Wasiirka Arrimaha Debadda ayaa markuu soo xaadiray Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho loo sheegay in laga reebay safarkii Uu ku qornaa inuu Madaxweynaha u raaco dalka Qatar.
Axmed Ciise Cawad ayaaa loo sheegay in booskiisa la geliyey Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxames, Kaas oo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kasii raacay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo La Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan kuwaas oo si hordhac ah oo gogol xaar ah usii tagay dalka Qatar.

Waxaa dibada yimid oo soo baxay khilaaf iyo loolan adag oo u dhaxeeyo Wasiirka Arrimaha Dibada Federaalka iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka, iyadoo la ogyahay in shirar badan oo sharci ahaan ay aheyd inuu wasiirka Arrimaha Dibada ka qeybgalo uu ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta.

Lama ogo sababta rasmiga ah ee keentay in Wasiirka Arrimaha Dibada laga reebo safarka Madaxweynaha kadib markuu si weyn isugu diyaariyey safarkiisa shaqo, hase yeeshe Waxaa soo baxay in la dhibsaday talooyinkii Cawad uu soo jeediyay ee ahaa in lala heshiiyo Imaaraadka oo dhex dhexaad laga noqdo khilaafka u dheexaya Dalalka Khaliijka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale