Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Gaalkacyo ka Daahfuray Shirka Dib u Eegista Caafimadka gobolka Mudug.

Posted Date: 16 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wasiirka wasaarada caafimaadka ee dawlada Puntlad ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug wuxuu ka daahfuray Shirka dib u eegista Caafimaad ee gobolka Mudug kaas oo ay iska kaashanayaan wasaarada caafimaadka iyo hay,adaha ay wadda shaqaynta laleeyihiin.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay Maamulada Caafimaadka ee degmooyinka gobolka Mudug kuwaas oo goobjoog ka ahaa Furitaanka Shirkan

Ugu horayn waxaa ka hadlay kulankii maanta ka furmay magaalada Gaalkacyo Isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Mudug Mudane C/naasir Shiikh Ibraahim isagoo kusoo dhaweyey degmadan Gaalkacyo wafdiga ka socda wasaarada Caafimaadka Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif ayaa dhankiisa wuxuu sheegay inay muhiimadu ay tahay in laga wadda shaqeeyo Caafimaadka wasaarada iyo hay,adaha wuxuu lagu hormaray iyo wixii dib u dhac kuyimid layska waraysto.

Wasiirka wasarada Caafimaadka ee dawlada Puntland Mudane C/naasir Cismaan Cuuke ayaa dhankiisa wuxuu sheegay inay wasaarada Caafimaadka dhibaato ka haysatay Gadiidka Caafimaad ee ay jaaliyaduhu u keenayaan deegaanada Puntland.

Allidamaale