Dhagayso:- Wasiirka Warfaafinta Puntland Qarjab” Majirto meel ay Puntland ku aqbashay oo ay kula Heshiisay Soomaaliland in Gobolada Sool iyo Sanaag ay keento sanaadiiqda codbixinta

Posted Date: 11 Aug 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi xirsi cali Qarjab oo waraysi gaar ah siiyay Radio daljir ayaa beeniyay Wararka sheegaya in Puntland ay Aqbashay in gobolada Sool iyo Sanaag mamulka soomaaliland uu keeno sanaadiiqda codbixinta si halkaasi aya uga dhacdo doorashada maamulkaasi.

dhanka kale wasiirka ayaa waxaan wax kawaydiinay xariga wriye Cumardheere oo maalintii shanaad kuxiran magaalada Garoowe waxaan uusheegay in ay kuhawlan yihiin sidii uu wariyuhu xoriyadiis u helilahaa.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay sidookale in uu kuqanacsanyahay Wasaarada loo dhiibay waxaan uu hoosta ka xariiqay in xukuumada iyo bahda saxaafada uu isku soo dhawaynayo.

Allidamaale