Wasiirkii hore Arimaha Gudaha Soomaaliya oo Garowe si weyn loogu soo dhaweyey

Posted Date: 10 Mar 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Wasiirkii hore ee wasaarada Arimaha gudaha dawlada Soomaaliya ayaa magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland si weyn loogu soo dhaweeyey maanta iyadoo ay ka qayb galeen Masuuliyiin ay kamid yihiin maamulka degmada kan gobolka Nugaal iyo shacab kaladuwan.

Mudane. Juxaa ayaa ugu horrayn dadweynaha reer Puntland ugu baaqay in ay ilaashadan amniga,wadajirka iyo isku duubnidooda,isagoo xasusiyay dhibaatada umadda reer Puntland soo martay ka hor intaan dhidibada loo taagin dowladda Puntland oo uu ku tilmaamay”geed la harsado oo caleen leh oo lagu nastay laguna baraaray”.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadkii as-aasay dowladda Puntland ee ka koobnaa hoggaanka dhaqan iyo kan siyaasadeed ay horseedeen iftiin qurux badan oo u soo baxay dadweynah reer Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Siyaasi Juxaa ayaa dhinaca kale soo dhoweeyay hadalkii madaxweyne Gaas ee ahaa in doorashada madaxtinimada Puntland lagu qaban doono xilligeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale