Xaaji Sheekhdoon Cali Ciise oo Garoowe ku geeriyooday

Posted Date: 04 Jan 2015   in: news,Puntland     Comments Comments

Waxaa shalay magaalada Garowe ku geeriyooday Allaha u naxariistee Xaaji Sheekhdoon Cali Ciise oo ahaa Sheekh aad looga yaqiinay gobalka Nugaal. Hadaanu nahay maamulka Dunida Online anaga oo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid Awoowe Sheekhdoon Cali Ciise, waxaan Allah Subxaanuhu Watacaalaa uga baryeynaa marxuumka inuu u furo Irrida Jannatul Firdowsa, sammir iyo iimaana naga wada siiyo uu ka baxay oo ay ugu horeeyaan xaaskiisa, caruurtiisa iyo caruurtooda, qaraabadiisa, saaxiibadiis, iyo guud ahaanba asxaabtii Xaaji Sheekhdoon.

Eebbe ha u naxariistee Xaaji Sheekhdon Cali Ciise waxaa uu ku dhashay magaalada Garoowe Sanadkii 1924 kii, waxaana lagu yaqiinay Qur’aan akhris badan iyo ururrinta Kutubta Islaamka iyo Axaadiistaba.

Fadlan, adiga oo mahadsan Sheekha ducadaada ugu deeq.

Allidamaale