Xaflad Loo qabtay arday xifdisay Quraanka Kariimka Degmada Baargaal ( Sawirro)

Posted Date: 21 Jan 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

23 arday oo isgu jiray gabdho iyo wiilal oo kamid ah da’yarta Dugsiga
Daaru Baargaal ee Xifdinta Quraanka Kariimka iyo waxbarashada asaasiga
ah ayaa maantay oo ay taariikhdu ahayd 19/01/2018 xaflad shahaadooyin
lagu gudoonsiiyay loogu qabtay magaalda Baargaal kadib markii ay
quraanka kariimka xifdiyeen.

Munaasabadda qalin jabinta oo ka dhacday dhismaha Dugsiga daaru
Baargaal ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta waxbarashada
,Cuqaal waxgarad, aqoonyahano ,Ganacsato dhalinyaro ,waalidiinta
da’yarta , iyo dadwayne aad u farab badan oo mudooyinkan sugayay
Munaasabadan.

ugu horaynti waxaa Xaflada Lagu daahfuray aayado quraan ah oo uu
akhriyay arday kamid ah ardayda Dugsiga intaasi Kadibna waxaa hadalka
furay maamulaha dugsiga Daaru Baargaal sheekh mire C/raxmaan Maxamed
oo marka hore soo dhaweeyay martidii xaflada kasoo qayb gashay.

Maamulaha Dugsiga Daaru baargaal ayaa ka waramay aradyda maanta
qalinjabinaysa marxaladihii ay soo mareen ilaa ay ku guulaysteen
xifdinta quraanka kariimka.

intaasi kadib waxaa madasha ka hadlay maamulaha dugsiga saree ee
maxamed xuseen ee degmada Baargaal Dr. Maxamuud muumin asagoo sheegay
in muhiimada xafladu tahay sidii loogu dhiiri galin lahaa ardayda inta
dhimana inay ku daydaan ardaydan maantay la abaalnarinaayo.

Waxaa kadib makarafoonka qabsaday Mushrifka Caamka ee dugsiga iyo
machadka sheekh C/laahi yaasiin asagoo u hanbalyeeyay ardayda xifdisay
quraanka Kariimnka kuna dhiiri galiyay ardayda kale inay ku daydaan oo
aqoonta tarbiyad ku darsadaan.

xafladan ayaa waxaa sidoo kale hadalo qiimo leh ka jeediyay waalidiin
,xubnu kamid ah guddiga waxbarashada , culimo iyo marti sharaf kale oo
badan , kuwaaas oo dhamaan u hambalyeeyay ardaydan xifdisay kalaamka
alle oo ah wax la barto waxa ugu khayrka badan.

Dufcada Sanadkan Ka qalin jabisay xifdinta Qur’aanka Kariimka Dugsiga
Daaru Baargaal waxaa tiradoodu dhan tahay 23 arday oo isugu jira 15
wiil iyo 7 gabdhood ,

Ugu danbayntii xaflada ayaa ardaydii lagu gudoonsiiyay
Shahaadooyinkoodii iyo abaal marino kale oo maamulka dugsigu ugu soo
talagaleen , waxaana sidoo kale la abaalmariyay ardayda ugu saraysay
qaybta waxbarashada asaagiga ah ee dugsiga iyo ardayda ku guulaysatay
adaabta iyo akhlaaqda waxaana si wayn looga dheehan karay ardaydaas
iyo waalidiintoodiiba farxad aad u balaaran

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale