Xarunta Dallada Naafada Puntland oo Garowe laga Daahfuray Maanta Sawirro

Posted Date: 19 Apr 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Magaalada Garowe ee casumada dawlada goboleedka Puntland ayaa maanta xariga laga jaray Xarunta Dalada Naafada ee Puntland.

Munaasibad ka dhacay Xaruntaasi waxaa ka qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Puntland Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay,Wasiirka hawlaha gaduud iyo Gadiidka iyo Xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada Puntland.

Masuul u hadlay Dalada Naafada ayaa dhankiisa wuxuu sheegay inay dawlada Puntland ay ilowday Dadka naafada ah ayna u baahanyihiin inay gacan qabto dadka Naafada.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo soo xiray Munaasibadii koobnayd ee ka dhacay Xaruntan ayuu ka sheegay inay dawlada Puntland ku hawlgantahay Waxka qabashada Dadka Baahiyaha Gaarka ah leh ayna xoojinayaan sidii ay ku helilahaayeen Xarumo ay wax ku bartaan.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale mahad celin u jeediyey Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland oo gacan ka gaystay Dhismaha Xarunta Naafada ee Garowe.

Xaruntan dhismeheeda ayaa waxaa gacan ka gaystay bisha cas ee Qadar waxaana maanta ay kusoo bandhigtay Magaalada Garowe ee Caasumada dawlada Puntland xarig jarkeeda.

Allidamaale