Xildhibaan Hore oo lagu dilay Magaaladda Muqdisho

Posted Date: 26 Feb 2017   in: news,Puntland,Somalia,World     0 Comments

Wararka ka imaanaya Xaafada Ceel dheere Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Halkaas lagu dilay Xildhibaan hore uga tirsanaa Dowladii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Marxuumka La dilay ayaa lagu Magacaabayey C/qaadir Qaasim Mursal kaas oo la sheegay in uu hadda ka mid ahaa Shaqaalaha Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kooxohii dilay Masuulkan ayaa isku dayey in ay horey u wataan Gaari uu watay Marxuum C/qaadir Qaasim Mursal inkastoo Ciidamada Dowlada ay ka daba tageen oo gaariga laga soo celshay ayaa haddana waxaa kooxda u suura gashay in ay baxsadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7