Deg deg: Xildhibaanadii Gobolada dhexe oo ka baxsaday Cadaado, qaarna lagusoo qab qabtay garoonka diyaaradaha

Posted Date: 08 Jul 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Magaalada Cadaado oo dhawaan lagusoo gaba gabeeyay shir la sheegay in maamul loogu dhisay goblada dhexe, kaas oo aan kalsooni badan ka heysan dadka deegaanka, ayaa la sheegay in iminka ay ka baxsadeen Xildhibaanadii halkaasi lagu dhisay.

Waa manta markali lagu waabaristay in magaaladii oo haawaneysa, kadib markey qaar ka mid ah xildhibaanadii la dhisay si dhuumasha ah uga baxsadeen magaalada cadaado.

Masuuliyiinta wali ku sugan cadaado ayaa baadi goobo ugu jiri Xilidhibaanadii dhawaan halkaasi lagu dhisay, kuwaas oo loo haysto dhaqaale ay ka qaateen qaar kamid ah Musharxiintii u taartamay Madaxweynaha Gobolada dhexe isla markaan u codeeyey musharax kale ayagoo dhowr lacageed oo kala duwan qatay.

Xildhibaanada ayaa lasheegayaa in ay qaateen lacago aad u farabadan oo ay ka kala qaateen Musharixiinta kuwaas loo heysto in ay balantii uga bexeen dadkii ay lacagaha ka qaateen, codkoodiina ka iibsaday kuwo kale, waxaana durba qaar kamid ah laga ceshaday lacagihii ay qaateen, halka kuwo kalana ay dhuumasho uga bexeen Magaalada.

Mid kamid ah Musharixiintii laga guuleystey ayaa tan iyo shalay fadhiyaay Garoonka diyaaradaha kaas oo ku guulestay in uu soo qab qabto dibna usoo celiyo qaar ka mid ah Xildhibaandii lacagta ka qaatay oo uu weydisatay in ay lacagstiisii u celiyaan, halka qaar kalena dhuumasho uga dhoofeen magaalada.

Xildhibaanada la dhisay ayaan qorshohooda aheyn in ay sii ahaadaan Xildhibaanada gobolada dhexe, waxaan qorshahoodu uu ahaa in ay Codeeyaan oo si ay dhaqeele u helaan kadiba isaga baxaan Xildhibaan nimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7