Xildhibaano Barlamaanka Dowladda Puntland katirsan oo ku baaqay in laga noqdo Heshiiskii Dekadda Boosaaso

Posted Date: 10 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Xildhibaan Burhaan Aadan Ow Cabdi oo ka Tirsan Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa Ku Baaqay in Laga laabto Heshiiskii Balaarinta dekedda Boosaso ee ay Puntland la Gashay Shirkadda Dp World.

Xildhibaanka ayaa isagoo Ku sugan Garowe, wuxuu u sheegay Warbaahinta inuu isagu horay oga soo horjeestay Heshiiskan oo uu sheegay ineysan wax dan ah ugu jirin Shacabka Puntland iyo Kuwa Soomaaliyeedba.

Xildhibaan Burhaan ayaa sheegay in Dowladda imaaraadka aysan waxba u qaban shacabka Soomaaliyeed, xiligana aysan mudneen in 30 Sano loo Gacan Galiyo Maamulka Dekedda Boosaso,

Xildhibaanka ayaa Sheegay in markii Heshiiskaan la Marinayay Baarlamanka uu wasiirka Dekedaha ka dalbaday inuu u cadeeyo Danta Ugu Jirta Puntland iney Gasho, Balse uusan oga jawaabin, Taas oo uu sheegay iney la macno Tahay in la iska saxiixay Heshiis aan La Garaneyn Ujeedkiisa,

Ugu Danbeyn ayuu ugu baaqay Shacabka Puntland ineysan taagerin heshiiskaas oo uu sheegay in lagula wareegayo Hantidii Shacabka Soomaaliyeed,

12-kii Bishii Hore ee October ayaa Si Rasmi ah maamulka Dekedda Boosaso loogu wareejiyay Shirkadda P&O Port oo qeyb Ka ah Shirkadda Dp World, Waxaana Intaasi ka dib ka dhashay Khilaaf sababay In Dekedu xirnaato muddo Isbuuc ah iyo Ay Banaanbaxyo ka dhacaan Boosaso.

Allidamaale