Xisbigga Waddani oo Sheegay inaysan Doorasho Cadaalad ah ka dhicin Somaliland kalana Baxay Cod tiriyaashooda.

Posted Date: 16 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Xili laga warsugayey Nadiijadii doorashadii ka dhacay guud ahaan dhulka ay maamusho Soomaaliland ayaa maanta mid kamid ah Xisbiyadu wuxuu ku dhawaaqay inuu isaga baxay la shaqaynta Gudiga Comishinka Doorashooyinka ee Maamulkaasi.

Xuseen Axmed Caydii iyo Maxamed Yaasin Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga oo ku hadlayey Afka Xisbiga Waddani una qaabilsaanaa Tirinta codadka ayaa maanta ku dhawaaqay inay isaga baxeen la shaqaynta gudiga Tirinta Codadka Doorashada madaxtimo ee Soomaaliland kadib markii ay sheegeen inuu jiro Musuq maasuq iyo ku shubasho codadka qaar ah.

Masuuliyiintan ayaa sheegay inay Xisbiga Kulmiye ay ku shubteen doorashadii dhawaan ka dhacday Soomaaliland sidaas darteedna aysan Soomaaliland ka dhicin Doorasho Xor iyo Xalaal ah sida ay hadalka u dhigeen asuuliyiintan.

Hadalka Xubanaha Xisbigan ayaa kusoo aadaya xili shalay gudiga Doorashooyinku ay soo saareen baaq ku aadan inay Ururaddu joojiyaan dabaaldegyada ku aadan inay ku guulaysteen doorashadii ka dhacay Soomaaliland 13_11_2017.

Allidamaale