Xisbiyada xagjirka ee Europe oo codadka Soomaali nacaybka ku hela oo Taageeray in Somaliland la aqoonsado + Cadaymo

Posted Date: 09 Jul 2015   in: news,World     0 Comments

Dalalka Europe intooda badan waxaa hadda ka dillaacay Xisbiyada ugu Xag jirsan ee neceb ajaanibta, waxaana ay Xisbiyadaas dhamaantood codadka ku helaan Soomaali Nacayb. Sababtoo ah inta badan Soomaalidu waxay Europe ugu nool yihiin qaab ka duwan qaabka ay dadka caaadigaa ee Europeanka ugu tala galeen in ay u noolaadaan.

Soomaalida ayaa aan lahayn Xirfado iyo aqoonta aasaasigaa, waxayna dhalaan caruuro fara badan, waxayna aad ugu dhaganyihiin diintooda iyo dhaqankooda, waana ay han waynyihiin oo waxay rabaan shaqo sharaf leh.

Kirada Guriga ee 3 da qol ayaa bishii noqonaysa lacag aan 900 euro illaa 1400 Euro, marka ninkii matalan aan xirfad fiican lahayn oo mushaarkiisu uu noqonayo celcelis 1500 Euro, haddii uu mushaarkii kirada ka dhiibo maxaa usoo haraya isaga iyo caruurtiisii iyo xaaskiisii.

Qoyska isqaba ee Europeanka inta badan Caruur hadayba dhalaan waa hal ama labo, hooyada iyo aabaha ayaa labaduba leh aqoon sare waxayna labaduba hellaan mushaar fiican, waxayna qaataan guri dayn ah oo ay leeyihiin, halka Soomaaliga aannu guri dayn qaadanayn sababtoo ah waa Ribo dulsaarka saaranyahay, waxaan laga yaabbaa qoyska Europeka in ay guri ka dhaxlaan waalidkood, waxaana laga yaabaa in ay shaqo ka helaan Qaraabadadooda, Halka Soomaaliga ay ku adagtahay in shaqaba la siiyo, luuqada iyo dhaqankuna ku adagyihiin.

Arrimahaas oo is biirsaday ayaa Soomaalida ku riixa in ay aakhirka u bataan qaadashada lacagta Caydha ee lowgu tala galay in ay qaataan dadka fakhrigaa.

Arrinkaas waxaa ka Faa-iidaystay siyaasiyiinta Xisbiyada xagjirkaa ee la yiraahdo Far-right anti-immigrant party, xisbiyadaas ayaa waxaa aad u taageera dadka neceb ajnabiga waliba Soomaalida.

Xisbiyadaas waxaa ka dhexeeya wada shaqayn dhexdooda ah, waxayna hadda la wareegeen siyaasadda dalal badan, sida doorashadii u danbaysay ee Denmarka.

Denmark
Halkaan ka eeg Xisbigii Soomaalida Denmarka nebcaa oo ku guulaystay xukunkii Dansikafolkepart

Anti-Immigrant Party Gains in Denmark Elections.

Sweden
Halkaan ka eeg Xisbigi Democrats party Soomaalida sweden Nebcaa oo ku guulaystay xukuumaddii sweden
Far-right anti-immigrant party ‘real winner’ of Sweden election.

Uk.
Halkaan ka eeg warbixn xisbiga UKIP xagjirkaa ee Ingiriiska Soomaalida neceb oo guulo gaaray warbixn washingtonpost
Britain’s far-right firebrand may be making his last stand. 

Finland
Finkand waxaa guula waawayn soo hoyay xisbigii Soomaalida Finland degan nacaybkooda iyo waxka sheegidooda iyo la dagaalankooda awgii hellay codad ballaaran
waxa layiraahdaa true Finns

Halkaan ka eeg warbix ku saabsan
Far-right anti-immigrant party ‘real winner’ of Sweden election
Dulucda maqaalka Xisbiyadii nebcaa Soomaalida maxay u taageerayaan Gooni Isutaagga Soomaaliland
Waxay u taageerayaan waa xumaan iyo nacayb iyo waxa ay arkayaan mustaqbalka fog iyo in Soomaalida lakala qaybqaybsho.
Maxaytahay sababta Xisbigii Ingiriiska ugu cunsurisanaa ee Soomaalida waxkasheegooda iyo la dagaalankooda codadka ku helayoo hadda taageeraya gooni isitaagga Soomaaliland, maxaa halkaas kaaga baxay halkaan ka eeg  <iframe width=”560″ height=”315″ src=”https://www.youtube.com/embed/3mvEPXHlaAg” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>

Qolooyinka cadaankaa ee inta badan taageera gooni isu taagga Soomaaliland hadaad si fiican ugu sii fiirsato waa qolooyinka xagjirkaa oo jacayl kama ahan ee waa ula kac iyo ka shaqaynta xumaanta iyo kala qaybqaybinta Soomaalida, qaar badan baaba marka gooni isu taagga Soomaaliland laga hadlayo is oohiya Swden Soomaalida degan waxaa ka dhacay waxay ka fajaceen Hadda kahor ayaa Rayssal wasaarihii hore ee Sweden kana tirsanaa Xisbigii Social Democratic Stefan Löfven wuxuu taageeray in Falastiin la aqoon sado halkaan ka eeg warbixintaas.

Waxaa arrinkaas ka jawaabay Xisbiga neceb Soomaalida ee Democrats ee aan kor kaga soo faaloonay waxayna yiraahdeen intaad falastiin Taageeraysaan maad taageertaan Soomaaliland gooni isutaageeda, dadkii baaba yaabay oo yiri oo kaalay qolooyinkaan sowkuwii soomaalida nebcaa ma ahan maxay hadda talow u taageereen gooni isutaagga Soomaaliland.
Halkaan ka eeg warbixn xisbiyadii xag jirka ahaa oo isbahaysi ka samaystay Baarlamaanka Europe
With France’s National Front, far-right parties form bloc in EU parliament to get more clout
Xigasho: Puntlandobserver Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7