(Xog rasmi ah):- C/samad Gallan xagee ka haley dhaqaalaha uu ku dhaq dhaqaaqayo? Maxaadse ka og tahay xiriirka kala dhaxeeya Damu-jadiid? Qaybtii 1-aad.

Posted Date: 11 Jul 2016   in: Maqaalo,Puntland     Comments Comments

Xog rasmi ah oo lagu sameeyay baaritaan (Investigative Report) ayaa muujinaysa inuu xiriir toos ah ka dhexeeyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan iyo Urur Diimeedka Damu-jadiid ee haga siyaasadda Soomaaliya, uuna kaalmo dhaqaale ka helo ururkaas, iyadoo dhaqaalaha loogu keeno gudaha Puntland.

Baaritaanka arrintaan Warsidaha PuntlandOne.com uu ku sameeyay waxaa kasoo dhexmuuqday Wasiir ku xigeenka Maaliyadda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ahna Xildhibaan baarlamaanka federaalka ka tirsan Maxamuud Xayir Maareeye oo Puntland soo gaaray 9-kii bishii May 2016, inuu si toos ah lacag ugu waday C/samad Gallan lacagtaas oo looga soo dhiibay Villa Soomaaliya.

Hadaba inta aynaan sheegin goobta C/samad Gallan lacagta loogu geeyay, aan ku hormarno sababta lacagta loogu soo dhiibay, lacagtaas oo ah midda uu hadda C/samad Gallan u adeegsanayo dhaq dhaqaaqiisa uu uga soo horjeedo xukuumadda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa caqabad adag ku noqday horumarka siyaasadda ee Urur siyaasadeedka  Damu-jadiid, waxayna gaartay in Ururkaasi ay bilaabeen dagaal hoose oo ay doonayaan inay Qalalaaso uga abuuraan Puntland ugu yaraanna ay mashquuliyaan hogaanka Puntland si ay ugu guulaystaan danahooda siyaasadeed ee ay mustaqbalkooda siyaasadeed ku difaacayaan.

C/samad Gallan oo markii xilka Guddoomiyaha gobolka bari laga qaaday safar ku tagay Magaalada Muqdisho ayaa soo galay heshiiska lagu carqaladaynayo ammaanka iyo siyaasadda Puntland.

Hadaba sidee Dhaqaalaha lagu siiyey C/samad Gallan?

9-kii May 2016, waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari soo gaaray Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ahna xildhibaan federaalka ah, ahna xubin firfircoon oo kooxda Damu-jadiid ka tirsan Maxamuud Xayir Ibraahim, kaas oo ujeedkiisu ugu weyn ahaa inuu lacagtii ugu horraysay ee xoog leh oo C/samad Gallan Dhaq dhaqaaq ku samaynayo ugu geeyo deegaan ku yaalla bariga fog ee gobolka bari oo C/samad Maxamed Gallan uu ku sugnaa.

Laakiin Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa dawladda Puntland u sheegay sidoo kalena shacabka u sheegay inuu booqan doono deegaanada bariga fog ee gobolka bari ee gaari-waaga loo yaqaano, balse baaritaanka oo aan la kaashanay Hay’adaha Ammaanka ayaan ku ogaanay inuu C/samad Gallan oo ay isku reer, isku jifi yihiin uu halkaas ugu geeyay lacag xoog leh, oo ah tan C/samad Gallan u saamaxday inuu maleeshiyaad arruursado sidoo kalena uuhelo hub iyo gaadiid.

Xigasho Puntlandone: Halkaan ka daawo Muuqaalka Markuu Boosaaso kasoo dagay iyo wuxuu sheegay.

Allidamaale