Xulalka kubadda caga ee Soomaaliya iyo Rwanda oo Djibouti ciyaar ku dhex martay

Posted Date: 11 May 2015   in: Somalia,Sports     0 Comments

Waxaa dalka Djibouti ka dhacday cayaar aad u xiiso badneyd oo dhex martay xulka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo  xulka Rwanda cayaartan oo kamid  aheyd  lugtii labaad ee isreeb-reebka koobka CAF U23 Championship ee 23 jirrada qaaradda Africa ayaa kulankii kan ku harreeyay waxaa lagu qabtay dalka Rwanda gaar ahaan caasumadiisa Kigali. waxaana lugta labaad la rajaynayey in lagu qabto dalka Kenya hase ahaatee Daruufo amni dartood waa laga weeciyey kadib cudur daar ka yimid dowladda Kenya.

Cayaartaan dhex martay labada xul ayaa qeybtii horre Soomaaliya lagu hoggaaminayay hal iyo eber hase ahaatee qeybtii labaad markii la isugu soo laabtay ayaa xulka qaranka Soomaaliya waxa uu la soo baxay dar dar iyo cayaar aad u heer sareeysay taasoo u suuragelisay inay la yimaadaan goolkii barbar dhaca. Ciyaarta ayaana ku soo dhammatay 1-1  iyadoona kulankii kan ka horreeyay ciyaartoyda Soomaaliya ka socda loogu awood sheegtay 2: 0

xeel dheerayaasha kubadda cagta ayaa ku saleeya natiijo la’aanta mar kasta soo gaadha qaranka Soomaaliyeed in ay sabab u tahay ciyaartoyda oo aan helin tababar ku filan, daryeel joogto ah iyo iyadoona aan gobolada laga soo xulin laacibiin kubada cagta si fiican u yaqaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7