Yaa Wada Mooshinka ka dhanka ah Raisal-Wasaaraha Somalia? 

Posted Date: 03 Nov 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Hordhac:- Qormadan waxaan ku eegi doonaa Cidda wada Mooshinka ka dhanka ah Raisal-Wasaaraha Somalia Iyo Taayirka rogaya Ololaha Kursiga looga tuurayo Raisal-Wasaare Abdiwali Sheekh Axmed. 

Ugu horeyn waxaa Mogadishu si Xawli ah uuga socda Olole Amase Mooshin ka dhan ah Raisal-Wasaaraha Somalia Dr Abdiwali Sheekh, Ololahan waxa si weyn u abaabulaya Kooxda Damul-Jadiid oo uu Madaxweyne Hassan Culusow u horeeyo, Waxaase aad u muhim ah in la fahamo Labada Marwaxdood ee Oloahan wareejinaya Isla-markaana Huteelada Mogadishu Shirarka Qabaailka ka wada.

Labada Nin ayaa kala ah, Wasiirkii hore ee Amniga Abdikariin Guuleed, Iyo Agaasimihii Nabad-Sugida Sambalooshe. Xiriiro kala duwan oo aan sameyney ayaa xaqiijiyay Arrimaha Shirqoolka ah ey wadaan Labadan Qaswade oo Iyagu hada u soo Dhar-dhigtey iney Xilka ka tiuraan Raisal-Wasaaraha Sharciga. Walow Barlamaanka Mogadishu uu yahay mid Beec ah oo hadba Ninkii Jeebkooda la hadla ey u Sacaba-tumaan, ayaa hadana wax lala yaabo ah Raisal-Wasaare sharci ku taagan oo Mooshin lagu wado taas oo muujineysa Caqliyada hooseysa ee Mogadishu ka jirta Iyo Awooda Qaswadayaasha ey ku lee yihiin Mogadishu.

Marka taa laga yimaado waxaa Iyana soo baxaya Warar sheegaya in Lacagtii Sucuudiga Iyo Imaaraadka Zakada u bixiyeen looguna tala-galey in lagu caawiyo Shacabka Soomaaliyeed loo adeegsado Dulaan Siyaasadeed Iyo Shriqoolo lagu wiiqayo Dowladnimada Somalia. Docda kale lama yaqaan dhanka uu raaci doono Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia Jawaari, Walow horey looga bartey Jawaari inuu Sharci daro ku Taageerey Mooshinkii ka dhanka ahaa Raiasal-Wasaarihii hore Saacid Shirdoon. Isku soo wada Duub Qaswadayaasha Abdikariin Hussien Guuleed Iyo Sambalooshe Gacan bir ah ma lagu qaban doonaa oo Beesha Caalamka ma u aqoonsan doonaan ( Spoilers) Mise Mogadishu waxa ey noqon doontaa meel ey ku gabadaan Qaswadayaasha Dowladiidka ah?? Ugu danbeyn waxaan lee nahay Xildhibaanada Somalia hadii aad Damiir lee dihiin oo aad Diir Naxa lee dihiin Raisal-Wasaare Abdiwali Sheekh, Wasiir uu Xilka ka qaadey yaan loo bur-burin Dowladii dhameyd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7