Yacquub” Falalka amni darada Gaalkacyo Galmudug ayaa laga soo Abaabulaa”

Posted Date: 07 Jan 2015   in: news,Puntland     Comments Comments

Gudoomiye Ku xigeenka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug mudane Yacquub Maxamed Cabdulle oo war saxaafadeed ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ugu horeyn kahadlay amni darada kasoo cusboonaatay magaalada, waxaana u ku eedeeyay falalka amni daro ee ka dhaca Gaalkacyo in lagasoo ababulo Xaafada Baraxley ee konfurta gaalkacyo.

Mudane yacquub ayaa sidoo kalo ugu baaqay Galmudug in joojiyaan oo ka hortagan amni darada dhinacooda lagasoo abaabulayo ee lagu leynayo dadka aan waxba galabsan, hadey taasi dhici weydana wuxuu Gudoomiye Ku xigeenka ka digay cawaaqib xmada ka dhalan karta talaabooyinka ay ka qaadanayaan kuwa gabaadka ka dhignaya Koonfurta Gaalkacyo.

Yaquub oo arinkaas ka hadlaya ayaa yiri “waxaan ugu baaqaynaa Galmudug in ay Nabadda ka shaqeeyaan, Nabada ayaa nawada deeqda, hadii taa la waayaana anagu gacmaha ka laaban meyno ee waxaan ka bixineynaa jawaab cad”

Gudoomiye Ku xigeenka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug mudane Yacquub Maxamed Cabdulle waxaa uu intaa ku daray in maamulkooda ay hayaan macluumaad ku aadaan hubka iyo bambanooyinka lagu wax yeeleenayo amniga Puntland ay ka yimaadaan koonfruta Gaalkacyo.

Dhinaca kalena hadalka Gudomiye ku xigeenka ayaa kusoo aadaya xili ay dadweynaha magaalada Gaalkacyo isla dhex marayaan in kooxo Muqdisho ka yimid oo amniga gobolka Mudug duulan ku ah ay soo gaareen Xaafada Barxley ee koonfurta Gaalkacyo, waxaana dadweynuhu u diyaar garoobayaan sidey isaga difaaci lahayeen.

Allidamaale