|
|
| Home - Partner - Arrangements - Presse - Staffs - Contact - About us |
|
Somalitalk - Allidamaale - Allpuntland - Allkheyraad - Puntlandi - Halgan - Xogsheeg - Calanka - Aaytaiin - Hiiraan |
|
|
|
|
|
|
Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa magaalooyinka Waa Wayn ee puntland ka dhacayey falal amaanka wax u dhimaya falalkaasi oo ay kamid yihiin Qaraxyo dilal Qorshaysan iyo afduub loogaystay Qaarkamikd shirkada diyaaradaha deegaanada puntland ka howl galaya magaalooyinka puntland falalkaasi ayaa guud ahaan waxaa siwayn u Canbaareeyey dadwaynaha kunool magaaloyinka puntland iyo wadanka Dibadiisaba waxaana dadwaynaha puntland is waydiinayaa cida si tooska ah uga danbeeysa amaanrada puntland ku soo badanaysa? Falalkaasi ayaa waxaa kmaid ahaa dilkii ugu danbeeyey ee lagu dilo masuul kamid ah baarlamaanka dawlada puntland oo lagu magacaabi jiray Marxuun Xildhibaan maxamed cabdi jibrii waxana kaloo ku xigay Dilkii Xidhibaan Cabdullaahi Cali Karaad oo ahaa mudanayaal katirasan baarlamaanka dawlada puntland oo lagu dilay magaalada boosaso, waxaana kaloo lagu dilay magaalada boosaaso Gudoomiyahii Maxakamada darajada Kowaad ee Bosaso Marxum Maxamad Cabdi Awaare. Isala Magaalada boosaaso ayaa Fariisin ay Ciidamada Amaanka ku lahayeen Mid ka mid ah Wadooyinka Muhiimka ee Magaalada ayaa waxaa ka dhacay Qarax Dhawaaqiisu xoog badnaa balse aan qasaare Nafeed iyo mid maalba aan geysan markaq laga reebo 7 askari oo dhaawacmay, waxaana kaloo magaalada Boosaaso ka dhacay Qaraxyo iyo dilal kale oo lala beegsaday masuuliyiinta dawlada puntland. Dhinaca kale magaalada Garoowe waxaa weerar dhaawac fudud ka soo gaadhay lagu Qaaday gudoomiyaha baarlaamka dawlada puntland C/rashid maxamed xaashi waxaana lagu dilay magaalada garoowe xubin kale oo kamid ah baarlamaanka dawlada puntland waxana kaloo la Xasuustaa in magaalada boosaaso koox dablay ah oo hubaysani weerar ku Qaadeen diyaarad ay leedahay shirkada daalo arlin ee xafiiskeedu kuyaalo magaalada boosaaso inkastoo dablaydii afduubtay dalbadeen in duulihu ka dejiyo magaalada Laasqoray hadana kooxdii kuma ay aysan guuleysan falkaasi, waxaan xusud mudan in dableysii danbiilayaasha aha ay ku war heleen oo kaliya inay joogaan magaalada boosaaso kadiba Ciidamada amaankuna tilaabaduu ku habooneyd ka qaadeen oo ay gacanta ku dhigeen. Ugu danbaytii falkii ugu danbeeyey ee ka dhacay deegaanada puntland ayaa ahaa dilkii ayaanle maxamed sugule oo koox hubaysani inta u dhaxaysa magaalooyina boosaaso iyo Qardho ku dileen kadiba markii ay weerar ku Qaadeen gaadiid xamuul ah oo laga leeyahay magaalada buuhoodle. Hadaba Jawaabtu waxay tahay falalka amaandarad ee puntland ku soo badanaya ee Qaraxyada Dilalka iyo afduubkaba isugu jira waxaa ka danbeeya oo mas uul ka ah kooxo ka soo jeeda magaalada Laasqoray bariga sanaag oo iyagu arinkaas sheegtay, hadan intay dadka dilaan Maxkamada horteeda ka dafira waxaana ugu danbeeyey dilkii Xildhibaan maxamed C/jibrii. Ukuur gal iyo xograadin kadib waxaa mareegta allidamaale ay heshay warar sheegayaa inay Xidhiidh wanaagsan leeyihiin kooxda shabaabka ee ka dagaalanta koonfurta somalia iyo kooxaha falaalka amaan daro ka wada deeganada Puntland,waxaana markhaati u ah qaabka dilalka qorsheeysan ay u fuliyaan kooxda amni darada ka wada Puntland oo ay kasoo barteen shabaabka iyo miinooyinka rimuudka lagu hago oo looga keeno Magaalada Moqdisho, tasoo ay soo waaridaan dhalinyaro ay heyb wadaag yihiin wadaadka wakiilka uga ah Shabaab deeganda Puntland ee Sheekh Maxamed Siciid Atam, balse waxaa la dhowraaba waa tilaabada iyo Jawaabta ay ka bixiyaan Madaxda iyo Saraakisha amniga ee Puntland.
Email allidamaalenews@hotmail.com Rooda Shugri faarax(rooda tusmo)
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Copyright © 2009 Allidamaale.com |